Madaxweyne Muuse Biixi Oo Beesha Caalamka Ku Gacan Saydhay iyo Arrinka Tukoraq Oo Meel Xaasaasiya Maraya

0
223

Hargeisa (Tayosame News) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa beesha caalamka ka diiday in ciidanka qaranka Somaliland ay dib uga soo noqdaan degamada Tuko-raq ee gobalka Sool oo ay ciidamada qaranka Somaliland ay dhawaan la wareegeen , kadib markii ay maamulka Puntland ay weerar ku soo qaaden ciidamada Somaliland.

Warar xog ogaal ah oo wargeyska Geeska Africa helay ayaa xaqiijiyey in dalalka beesha caalamka ee xidhiidhka dhaw la leh Somaliland iyo waliba qaramada Midoobe ay dawlada Somaliland ka codsadeen inay dib ciidanka qaranka ugu soo celiso deeganadii ay hore u fadhiyeen.
Talaabadan ayaa la sheegay in madaxweyne Biixi uu si cad ugu gacan seydhay dunida isla markaana ku dooday in ciidanka qaranka Somaliland ku hawlaneen duulaan balse ay ku sugan yahiin xuduudkiisii oo ay qeybo u hadhsan yahiin waxaana taas lidigeed ka codsadey inay madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo cadaadis ku saaran in uu joojiyo colaada uu wado.
Madaxweyne Biixi ayaa waxaa uu sidoo kale uu beesha caalamka ka diiday inuu la hadlo madaxweynaha Puntland Cabdi Wali cali Gaas isaga oo ku dooday in aanay waxba ka dhaxeyn Somaliland iyo maamulka Puntland balse uu diyaar u yahay in uu la hadlo madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.
Dalalkan beesha caalamka ayaa waxuu warku sheegay in wakiilo ka socda qaarkood ay si toos ah ula kulmeen madaxweyne Biixi , halka kuwo kale u soo direen safiiro iyo dhanbaalo.

Xigasho: wargeysa geeska afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.