Xukuumadda Somaliland Oo Qaramaysay Ciidan Beleedkii Ku Sugnaa Deegaanka Boocame

0
210

Boocame (Tayosame News) Ciidan Beleedkii Ku Sugan Deegaanka Boocame Ee Gobolka Sool ayaa la sheegay in Dhawaan Xukuumadda somaliland ay Qaramaysay Ciidankaasi Isla markaasina lagu daray ciidamadda qaranka somaliland ee fadhiisimadda ku leha deegaankaasi.

Odayaasha iyo masuuliyiinta ku dhaqan deegaanka ayaa sheegay in ciidankan xukuumadda somaliland ay qaramaysay dhawaan ay deegaanka ka difaaceen ciidamo soo weeraray oo ka tirsan maamul goboleedka puntland,waxaana ay odayaashani fariin u diray xukuumadda.

“hadaanu nahay odayaasha deegaanka boocame waanu soo dhawaynaynaa in xukuumadda somaliland ay ciidankii halkan ku sugnaa ay nooqaramayso,waxaanan leenahay waxa loo baahan yahay in aynu si cadaalada oo daacdnimo ku jirto in loowadda shaqeeyo,saakan guri kasta oo ka mid ah guryaha ku yaala deegaanka boocame waxa ka taagan calanka somaliland,waxaanan leenahay ciidanka qaranka somaliland ayaa amaanka boocame sugan oo markasta ku sugan oo haddana suga amaanka guud ee boocame.

Dhinaca kale taliyaha wata ciidanka la qarameeyay ayaa sheegay in ciidankiisu dagaal ay la galeen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa maamul puntland ayna soo kala gadheen dhaawacyo balse ay ka caabiyeen in ay gudaha u soo galaan magaalada boocama.

‘Magaalada boocame saaka waxa ka taagan calankii somaliland cid kale oo dano kale doonaysaa sooma galyso,xukuumadda somaliland waxaanu ka rabnaa in ay noo keento wixii baahiyo ahaa ee naga dhiman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.