Madaxweynaha Koonfur Africa Oo Ogolaaday Inuu Is Casilay

0
61

South africa (Tayosame News) Madaxweynaha koonfur afrika jacob zuma ayaa ogolaaday inuu xilka dalkaasi baneeyo.

Xisbiga ANC ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in shirkii ay la yeesheen Zuma ay kasoo baxeen midho wanaagsan, islamarkaasna ay dib u dhigeen shirkii golaha dhexe oo looga doodi lahaa mustaqbalka Zuma.

Sidoo kale baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa dib u dhigay waqtigii uu furmi lahaa kalfadhiyada sanadkan, sababo la xidhiidha mustaqbalka madaxweynaha.

Mar sii horeysay oo shalay ahayd hay’adda Nelson Mandela ayaa ugu baaqday in uu Zuma is casilo, iyada oo sheegtay in intii uu xilka hayay dalka uu ka dhacay boob culus oo hantida dadweynaha loo geystay.

Haddii uu diido go’aanka ANC ee ah in uu is casilo, waxa uu luminayaa aqlabiyadda baarlamaanka, si sahlan ayaana codka kalsoonida loogu qaadi karaa baarlamaanka dhexdiisa, sidaasna uu xilka uga dagi karaa.

Xisbiyada mucaaradka ayaa dhawr jeer Zuma ka keenay mooshin, balse markasta tirada badan ee xildhibaanada ANC ayuu kaga badbaadayay codkaas.

Warar aanan la xaqiijinin ayaa sheegaya in Zuma uu codsaday in damaanad laga siiyo in lagu soo oogi karin wax dacwad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.