Gabadh Soomaaliyeed Oo Lagu Gubay Magaalo Ku Taala Dalka Finland

0
104

Finland (Tayosame News) Dalka finland ayaa dhawaan magaalo kutaala Waqooyiga dalkaasi lagu gubay gabadh Soomaaliyeed, waxaana gabadha la gubay hada lagu daweenayaa xarun caafimaad.

Gabadha la gubay oo magaceeda lagu sheegay Xaawo Maxamuud waxaa wajiga biyo kulul oo Sokor lagu daray kaga shubtay gabadh kale oo Soomaaliyeed, lamana oga waxa kalifay arinkan.

Hasan Hussein Barseey oo kamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Finland ayaa sheegay in ay dhacdadan tahay mid ku cusub Soomaalida kunool dalkaasi aadna uga argagaxeen.

Waxa uu sheegay Hasan in ciidamada booliiska xidheen gabadha dhibka geeysatay uu sheegay in aysan wali wax sharci ah la siin, waxa uuna intaa raaciyay in gabadha dhibanaha ah hada xaaladeeda lala tacaalayo.

Qaar kamid ah Wadamada Yurub waxaa kunool dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo Yurub nolol u raadsaday , waxaana mararka qaarkood Wadamada Yurub ka dhaca dhibataooyin Soomaalida dhaxdeeda isku geeystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.