Odayaasha Madasha Wadatashiga Somaliland Oo Xukuumadda U Soo Jeedisay Inay Ka Baxdo Wadahallada Somalia

0
228

Hargeisa (Tayosame News) Siyaasiyiinta Madasha wadatashiga ee Somaliland ayaa xukumadda ku boorriyay in aanay wada hadal la bilaabin Soomaaliya kadib markii ay maalmihii u dambeeyay soo baxayeen in xukumadda Muuse diyaar u tahay wada hadal dib lala bilaabo xukumadda Farmaajo. Shir jaraa’id oo ay qabteen Eng Maxamed Xaashi Cilmi iyo Prof Cabdisalaan Yaasiin ayay kaga hor yimaadeen arrintaasi.
Prof Cabdisalaan Yaasiin ayaa soo jeediyay in xukumaddu xoogga saarto midaynta bulshada iyo horumarinteeda dibna loo dhigo wada hadalka labada dhinac “Waxaan kula dardaarmaya xukumadda in ay yarayso ama joojisaba wada hadalladii Somalia inoo dhexeeyay oo ay ka soo hormariso ama mudnaanta siiso in dhexdeena wixii wada hadal, is-afgarasho, midnimo iyo dalka oo maamulka la wada gaadhsiiyo ah. Somaliland way madax bannaan tahay Somalia-na waynu kala tagnay marka waxay tahay in marka meelaha la inaga marti qaado aynu inaga oo Somaliland ah tagno,” Sidaas ayuu yidhi Prof Cabdisalaan Yaasiin.
Prof Cabdisalaan Yaasiin waxa uu xukumadda u soo jeediyay in aanay ka qayb galin shirarka loo qabanayo Soomaaliya ay ka qayb galayaan maamul goboleedyadu si aanay dunidu ugu arag Somaliland maamul ka mid ah maamullada Soomaaliya. Waxa uu sheegay in ay shirarka lagu casuumo Somaliland ee noocaas noqda ay iskaga baxdo. Waxa kale oo uu xukumadda ku boorriyay in la dhammaystiro heshiiska xukumaddii hore la gaadhay Khaatumo si loo gabogabeeyo arrimaha gudaha ee dalka loona mideeyo bulshada Somaliland.
Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isna sheegay in aanay Somaliland iyo Somalia sinaba u heshiin Karin “Somalia waa la inagu gumaaday, dadkii guryaha ku jiray baa lala soo baxay oo Jaziira lagu laayay, halkaas dadka laga soo xulayay ee reer hebel loo soo xulayayna caasimaddii bay ahayd, marka wax rajo ah oo Somaliland iyo Somalia ka soo muuqda ama iman kara ama ka dhexeeya ma jiraan mustaqbalka iyo imikaba,” Sidaas ayuu yidhi Eng Maxamed Xaashi.
“Marka aad u sii fiirsato nimankii waxan gaystay ee Somaliland baabi’iyay ee reer ahaan dadka u dilayay Qaramada Midoobay way ka seexatay oo wixii isir sifaynta ee Ruwanda iyo loo samaynayay inaga way inaga hagradeen oo arrinteena ma soo qaadin. Arrinta labaad waxa weeye markii aynu dalka ku soo noqonay ee Calimahdi iyo Caydiid-na xaggaa qabsadeen markiiba Calimahdi wuxuu ku dhawaaqay dawlad aan waxba la inaga waydiin oo wixii ina gaadhay iyaga oo og iyo sidii aynu isugu nimid ayuu taasna ku dhaqaaqay,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Xaashi.
Eng Maxamed Xaashi waxa uu sheegay in dadkii Somaliland xasuuqa u gaystay xagga Somalia ka qoran yihiin niman geesiyaal ah taasna ay tahay fikrad aad u kala fog waxaanu khaayimiin ku tilmaamay dadka reer Somaliland ee Xamar xilalka u doonta “Haddii aan dadkii waxan gaystay la daba galayn oo aan dambigoodii lagu qaadayn in aynu wada hadalno maaha, in aynu wax isku darsano maaha, in aynu u tagnana maaha if iyo aakhiraba in aynu col ahaano weeye,” Sidaas ayuu yidhi Eng Maxamed Xaashi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.