Kitaab Ka Samaysan Haraga Bani’aadamka Oo Lagu Soo Bandhigay Bandhiga Kutubta Ee Dalka Kazakhistan

0
167

Kazakhstan (Tayosame News)  Macradka Kutubta ee Dalka Kazakhistan ayaa waxa lagu soo bandhigay Kitaab aad u yaab badan kaasi oo la qoray qarnigii 16aad.

Kitaabkan ayaa la sheegay in uu ka samaysanyahay Harag qof Bani Aadam ah ,waana sababta keentay in muran badan ka dhasho kitaabkaasi oo ah kitaab taariikhiya.

Haraga uu ka samaysanyahay Kitaabkaasi ayaa la sheegay in uu yahay Harag nin caalim ahaan jiray oo xiligaasi noolaa kaasi oo ku dardaarmay in uu haragiisu noqdo mid lagu qoro Farta laatiiniga ah ee qurxoon.

Maamulka Maktabada lagu soo bandhigay Kitaabkaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay haystaan Kitaabkaasi taariikhi ah ee la qoray Sanadkii 1532kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.