Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya Oo Casuumaad U Fidiyey Dhigiisa Koonfurta Kuuriya

0
379

Korea (Tayosame News) Hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi, Kim Jong-un ayaa madaxweynaha Kuuriyada koonfureed Moon Jae-in ku casuumay shir ay ku yeeshaan dalkaasi oo haddii uu qabsoomo noqon doona kullan diblomaasiyadeed oo aad u sareeyo.

Shirkan ayaa waxaa uu noqonayaa shirkii saddexaad ee dhexmara hogaamiyeyaasha labada dal.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo in muddo ah dhigiisa Kuuriyada waqooyi ku boorinayay wadahadal ayaan durbaba aqbalin casuumaada, waxaana uu sheegay in ay jiraan shuruudo marka hore ay tahay in ay kasoo baxdo xukuumadda Pyongyang.

Warqadda casuumaada ayaa waxaa gudbiyay gabadh ay walaalo yihiin hogaamiyaha Kuuriayada koonfureed oo qeyb ka ah wafdiga ka qeyb galaya ciyaaraha waqtiga qaboobaha ee olymbikada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.