Ololaha Doorashada Baarlamaanka Oo Ka Furmay Dalka Jabuuti

0
24

Djibouti (Tayosame News)  Guud ahaan degmooyinka dalka Jabuuti waxaa ka socda  ololaha doorashooyinka Baarlamaanka dalkaasi, waxaana ku tartamaya xisbiyada isku tagay aqlabiyadda madaxtooyada UMP iyo xisbiyada EDG PDD iyadoo  ay ku tartamayaan ilaa 65 xildhibaan oo kasoo bixi doonta dhamaan dalka Jabuuti oo dhan.

65-ka xildhibaan ee loo tartamayo 35-xildhiban oo ka mid ah waxa ay kasoo bixi donaan caasimadda Jabuuti halka 30-ka xildhibaan ee kalana laga soo dooran doono afarta gobol ee dalka, waxana xisbiga talada haya kula Tartami doona gobolada dalka.

Ololaha doorashooyinka dalka Jabuuti ayaa waxay  socon doonaan ilaa 23-ka bishan aan ku jirno iyadoo  dadku ay u dareeri donaan goobaha codbixinta.

Ammaanka dalka Jabuuti ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Mas’uuliyiinta dowladda Jabuuti ay Xisbiyadda ugu baaqeen in ay ololaha u sameeyeen si nabad geliyo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.