Dawlada Brithain Oo U Digtay Qaar Ka Mid Ah Hay’adaha Gargaarka Ee Dalkaasi

0
51

Brithian (Tayosame News) Mid kamid ah hey’adaha gargaarka ee ugu weyn dalka Ingiriiska, Oxfam ayaa wajaheysa cambaareyn xoogan, kadib markii la sheegay in qaar kamid ah shaqaalaha hey’adaasi uu la seexday haweenka jirkooda ka ganacsada.

Dowladda Britain aya hey’adda gargaarka ee Oxfam iyo hey’adaha kale uga digtay inay kala laabaneyso dhaqaalaha ay siiso, haddii aysan xaqiijinin badbaadada dadka nugul.

Eedeymahani oo uu soo weriyay wargesyka The Observer ayaa hey’adda Oxfam waxaa ay beenisay in qaar kamid ah shaqaalaheeda ay la sexdeen haween jirkooda ka ganacsada, xili ay howlo gargaar ka wadeen dalka Haiti oo uu dhul gariir ku dhuftay sannadkii 2011-ka.

Xoghayaha horumarinta caalamiga ee Britain Penny Mordaunt ayaa cambaareesay waxa ay ugu yeertay dabeecad argaggax leh.

Arrintan ayaa la sheegay inay dhacday xili shaqaalahaasi Oxfam ay caawinayeen dhibanayaasha dhulka gariirkii ku dhuftay dalka Haiti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.