DEGDEG: Madaxweynayasha Somaliland iyo Somaliya Oo Markii U Horaysay Kulmaya iyo Goobta

0
671

Somalia (Tayosame News) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la filayaa in dhawaan uu gaadho dalka Jabuui halkaasna uu kula kulmo Madaxweynaha cusub maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire, oo Shir Jaraa’id ku qabtay caasimada Hargeysa ayaa sheegay in dalka Jabuuti dhawaan ku kulmayaan  madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland iyo kan somaliya.

Waxa uu sheegay Wasiir Sacad Cali Shire kulanka labada masuul oo ah kii ugu horeeyay in uu horu dhac u yahay wadahadalada Soomaaliya iyo dowlada Somaliland oo la filayo in dib loo amba qaado .

Soomaaliya ayaan wali ka hadlin warkan kasoo baxay Dowlada Somaliland ee ku aadan in dalka Jabuuti ku kulmaaan madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland iyo kan somaliya.

Wadahadaldii u dhaxeeyay Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Somaliland ayaa hakad galay, waxaana la filayaa in wadahadalaasi ay dib u furmaan labada dhinacna ku shiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.