Miyuu Imaatinka Aubameyang Ee Arsenal Uu Saamayn Xun Ku Yeeshay Qaab Ciyaareedkii Alexandre Lacazette? Wenger Ayaa Ka Jawaabaya.

0
47

Sports (Tayosame news) Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa aaminsan in imaatinka saxiixa cusub ee Pierre-Emerick Aubameyang ay saamayn xoogan ku yeelatay weeraryahanka ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Alexandre Lacazette.

Alexandre Lacazette ayaa wuxuu kooxdiisa Arsenal ka qasaariyay gool xaqiiqo ah ay ku barbareyn kartay kooxda Tottenham Hotspur kulankii dhawaa ee Northern London ee kusoo idlaaday 1-0 ay guusha ku gaadhay kooxda Spurs.

Arsene Wenger ayaa ayaa ka hadlay xaalada Alexandre Lacazette wuxuuna yidhi: “Sida ay ila tahay weeraryahanka Lacazette, waa dhaliye aad u wanaagsan, gaar ahaan marka uu goolhaayaha kaga hor yimaado kubadaha”.

Arsene Wenger oo ka sii hadlaya Alexandre Lacazette: “ Lacazette wuxuu soo maray waqti adag, laakiin wuxuu si adag ugu sheeqanayaa tababarka si uu u bixiyo qaab ciyaareed aad u wanaagsan”.

Wenger oo ka hadlayay kulankii Tottenham Hotspur oo uu Alexandre Lacazette fursado goolal loo fishay lumiyay ayaa yidhi: “Ma garanayo waxa dhacay kulankii Tottenham Hotspur, miyuu kubada ku helay qaab qaldan,  taasi waa ay dhici kartaa”.

Macalinka kooxda Arsenal ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Waxaa suuragal ah inuu waayay kalsoonidii uu qabay, sababa la xidhiidha imaatinta Pierre-Emerick Aubameyang maadaama ay ku dagaalamayaa booskooda kooxda Arsenal”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.