Dawladda Somalia Oo Jaamacadda Carabta U Gudbisay Dacwad Ka Dhan Ah Heshiiska Dekedda Berbera

0
672

Somalia (Tayosame News) Ergada joogtada ah ee Soomaaliya ee Jaamacadda Dawladaha Carbeed waxay kalfadhiga Jaamacadda Carabta ee Heer Wasiir, ka codsatay in ajandaha shirka lagu soo daro qodob cinwaankiisu yahay “Dekadda Berbera iyo Heshiiska Xaqdarrada ah.” – Sida warqaddan lagu sheegay.

Ergadu waxay codsigeeda ku salaysay “ka dib markii warbaahinta maxalliga ah iyo kuwa mandiqaddaba lagu soo hadal qaaday wax lagu sheegay heshiiska ka-faa’idaysiga dekadda Berbera.”

Waxa kale oo lagu xusay in heshiiskaasi dhex maray shirkadda DP World, mas’uuliyiin maxalli ah, iyo dal deriska ah. Warqadda lagu ma caddayn in mas’uuliyiinta maxalliga ahi yihiin kuwa Somaliland, iyo in dalka deriska ahi yahay Itoobbiya midna.

Warqadda waxa lagu xusay in hore dawladda federaalka ee Soomaaliya ay arrintan uga soo saartay go’aan diidmo ah, ayna iska fogaysay in ay qayb ka tahay heshiiskan, oo aan laga la tashan.

Waxa kale oo warqadda lagu sheegay in heshiiskan ay u aragto dawladda Soomaaliya mid wax u dhimaya madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Waxa warqaddu heshiiska ku tilmaamtay “faragelin qaawan” oo la soo fara gashaday arrimaha Soomaaliya; iyo in lagu soo xadgudbay midnimada waddanka.

Warqaddu waxay xustay in hore uu ra’iisal wasaaraha Soomaaliya arrintan uga hadlay, oo uu hoosta ka xarriiqay in aanay Soomaaliya oggolaan doonin faragelinta iyo xadgudubka madaxbannaanideeda lagu soo xadgudbayo ee caynkan oo kale ah; heshiiskanna aanay qayb ka ahayn.

Warqadda waxa lagu sheegay in ay xukuumadda Soomaaliya heshiiskan u aragto mid “xaqdarro ah”, oo ay saxeexeen cid aan awooddaa lahayn, lana galeen cid aan xaq u lahayn.

Ugu dambeyntii, waxa warqaddan lagu sheegay in Ergada Soomaaliya ay kalfadhiga (149) ee Jaamacadda Carabta soo hor dhigi doonaan go’aanka ku aaddan heshiiskan, oo ay ku soo celisay in uu la yahay “xaqdarro.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.