Xoghaya Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Oo Nairobi Ku Xanuunsaday + Nooca Xanuunka Asiibay

0
237

Nairobi (Tayosame News) Xoghaya Arrimaha Dibedda ee Mareykaka Rex Tillerson ayaa baajiyay kulamadii la qorsheynayay inuu maanta oo Sabti ah ku qaato Nairobi, sababa la xidhiidha caafimaadkiisa oo liita. “Xoghayaha caafimaadkiisa ayaan wanaagsanayn kadib dhowr maalmood oo uu ku jiray shaqa adag oo la xidhiidha arrimaha Kuuriyada Waqooyi”, ayaa lagu sheegay qoraal ay shaacisay waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka.

Mr Tillerson oo Afrika ku jooga booqashadiisii ugu horeeysay ayaa dalka Kenya joogi doono ilaa iyo maalinta Isniinta ah. Waxaa lagu waday inuu maanta booqdo mashaariicda ee HV/AIDS ee ay dowladda Mareykanka maalgelisay iyo inuu ka qeybgalo xaflad loo sameynayay sanadguuradii 20-aad ee ka soo wareegatay weerarkii ay Al Qaacidda ku qaaday safaaradaha Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania.

Shalay ayay ahayd markii uu madaxweeynaha Mareykanka Donald Trump uu oggolaaday in uu la kulmo madaxweeynaha Kuuriyda Waqooyi Kim Jong-un Bisha May. Mas’uuliyiinta safarkan ku wehliso Mr Tillerson ayaanan sheegin nooca xannuun ee xoghayaha, haseyeeshee waxaa loo maleeynayaa in xanuunkiisu uu yahay mid sahlan.

Mr Tillerson ayaa joogay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa markii uu so baxay warka sheegaya in Trump uu aqbalay inuu la kulmo Mr Kim Khamiistii. Go’aankan ayaa lagu soo warramayaa inuu Trump qaatay isagoo aan talo gelinin Tillerson.

Saacado uun ka hor inta uusan go’aankan la yaabka leh ka soo bixin Washington, ayuu Tillerson u sheegay warfidiyeenada in Mareykanka uusan wax wadahadal toos ah la geli doonin Kuuriyada waqooyi mustaqbalka dhaw.

Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa soo maray Itoobiya iyo Jibuuti, waxaana lagu wadaa inuu hadda u sii safro dalalka Chad iyo Nigeria.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.