Maxkamad Ku Taalla Venezuela Oo Xukun Ku Riday Askar Ka Tirsan Millatariga Dalkaasi

0
26

Venezuela (Tayosame News) Maxkamad militari oo ku taalla dalka Venezuela ayaa amartay in la xiro 9 ka tirsan militariga oo lagu soo oogay dacwado ahaa khiyaano qaran iyo in ay ku kaceen mucaarado ka dhan ah madaxwayne Nicolas Maduro.

Eedeeysanayaashani oo ka kobnaa 8 rag ah iyo hal dumar ah ayaa xabsiga loo taxaabay.

Xarrigani ugu dambeeyay waxa ay tijaabo u tahay sida saraakiisha militariga ay daacad ugu yihiin dowladda dalkaasi.

Mr Maduro ayaa ku tiirsan taageerada ciidamada iyo sidii ay u difaaci lahaayeen.

Madaxwayne Maduro ayaa Janaraalada dalkaasi u dhiibay xilal wasiiro iyo in ay maamulaan waaxyo muhim ah sida warshadaha.

Balse dhibaato dhaqaale oo daran ayaa ka dhigaysa Mr Maduro mid jilicsan ka hor doorashada dalkaasi ee bisha May taasi oo uu rajaynayo in uu ku guulaysto.

Sicirbarar aad u sareeya iyo gabaabsi dhanka cunnada daawooyiinka ah ayaa boqolaal kun oo reer Venezuela waxa ay ku qasabtay in ay dalkaasi isaga tagaan.

Waxaa jira warar sheegaya in militariga niyad jab uu ka muuqdo.

Bishii aanu soo dhaafnay Rex Tillerson ayaa mar carabka ku dhuftay suurtagalnimada afgembi militari oo ka dhaca dalkaasi Venezuela.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.