Baarlamaanka Somaliya Oo Maanta Ka Doodaya Heshiiska Dekada Berbera

0
115

Somalia (Tayosame News) Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta ka doodaya heshiiska saddex geesoodka ah ee ka dhaxeeya dawlada Somaliland, Itoobiya iyo shirkada DPWorld ee laga leeyahay dalka imaaraadka Carabta.

Kalfadhigan ayaa sida ay sheegtay warbaahinta Universaltv xildhibaanada lagu wargeliyay xalay inay iskugu yimaadaan si looga hadlo heshiiska saddex geesoodka ah. .

Ciidamada Booliska ayaa sidii caadada aheyd waxa ay xidheen wadada horumarta xarunta Golaha Shacabka, waxaana loo diidayaa inay halkaasi maraan gaadiidka rayidka iyo Mootooyinka Bajaajta.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sabtidii furay kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka labada Aqal ee Soomaaliya oo ay si wada jir ah uga qeyb galeen xubnaha Golaha Shacabka.

Heshiiskan saddex geesoodka ah ayaa intii uu soo dhaacbaxay waxa ay Somaliland iyo Somaliya hawada isku mariyeen hadalo midba midka kale ku durayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.