Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Ku Gacan Saydhay Madaxweyne Muuse Biixi Inuu U Raaco Dalka Imaraadka

0
32

Hargeisa (Tayosame News) Madaxweynaha Somaliland Biixi Cabdi ayaa waxaa uu maanta xafiiskiisa kulan kula yeesha gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka iyo shir gudoonka golayaasha guurtida iyo wakiilada.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu kulankaas laba gudoomiye xisbi mucaarid uu kaga codsadey in ay u raacaan dalka Imaraadka carabta oo uu galabta safar deg deg ah ugu baxay .

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro ) ayaa ka gaws adaygay dalabka Madaxweynaha waanu gaashaanka  ku dhuftey codsigaas isla markaana uu sheegay in aanu isagu u raaci doonin safarka uu ku tagaayo dalka Imaaradka carabta .

Balse waxaa codsigaas ka aqbalay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID FaysalCali Waraabe kaas oo ka mid ahaa wafigii galabta ka dhoofay Madaarka Hargeysa ee uu madaxweynaha Somaliland hogaaminaayey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.