Dubai (Tayosame News) Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku guda jira safarkiisii uu ku joogay waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu waxa uu shalay duhurnimadii saacadda Dubai qabtay shir jaraa’id oo ay ka soo qayb galeen badiba saxaafadda maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ku sugan Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadku.
Shir-saxaafadeedkan ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee Naadiga Saxaafadda Dubai (Dubai Press Club) waxaana shirkaasi ka soo qayb galay wakaalado, Wargeysyo iyo telefishano caalami ah oo caan ah sida Telefishanka Al Carabiya waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi shirkiisa karaa’id kaga hadlay arrimo badan oo khuseeya safarkiisa, qaabkii dawladda Xamar uga hadashay heshiiska Berbera iyo guud ahaan cilaaqaadka Imaaraadka Carabta iyo Somaliland.
Telefishanka Al Carabiya ayaa isaga oo ka hadlaya shirka Jaraa’id ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlaya safarkiisa Imaaraadku sheegay in uu ku faraxsan yahay sida qiimaha leh ee Imaaraadka loogu soo dhaweeyey iyo xidhiidhka ganacsi iyo wax wada qabsi ee u dhaxeeya Somaliland iyo Imaaraadka Carabta. Warbixinta Telefishanka oo aan idiin soo turjunay waxa ay u dhignayd sidan: “Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay hanjabaadda dawladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan heshiiska Dekedda Berbera waxaanu sheegay in aanay dawladdaasi iyo cid kale toona faro galin ku samayn Karin arrimaha khuseeya dalkiisa gaar ahaan maalgashiga Dekedda Berbera oo uu ku sheegay mid qiimo weyn u leh mandaqadda Geeska Afrika dhinacyada ganacsiga iyo wax wada qabsiga. Waxaanu hadalka madaxda Muqdisho ku sheegay mid kaliya ah hadal aan meel lahayn.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in ay bilaha soo socda dhammays tiri doono wax kasta oo khuseeya dhismaha Dekedda Berbera oo uu sannadkan si rasmi ah u bilaaban doono mashruuca Imaaraadku ku dhisayaa isaga oo sheegay in uu labada sano ee soo socda dhammays tirmi doono.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka soo sheekeeyey taariikhda siyaasadeed ee Somaliland tan iyo 1960-kii markii Somaliland xornimadeeda ka qaadatay Ingiriiska oo uu sheegay in ay ka soo bilaabmayso sida aanay dadka reer Somaliland marnaba u helin cid fulisa mabaadii’dii midawga ee 1960kii wixii intaasi ka dambeeyeyna ay mar walba u taagnaayeen in ay gaar isu taagaan taasina suurto gashay 1991.
“Waxa I doortay aqlabiyadda dadkii codeeyey ee reer Somaliland waxaanan ku faanaynaa nidaamka dimuquraadyadeed ee Somaliland ka hana qaaday oo aan ka jirin badiba dalal badan oo Afrikaan ah. Laakiin maamulka Muqdisho kuma ay iman codad shacab iyo cid dooratayna ma jirto waana dawlad la maamulo oo dagaalo iyo murano hadheeyeen. Waxa aannu annagu xaq u leenahay in aannu dawladnimadayada heshiis kula galno cid kasta oo aannu iska kaashan karno dhaqaalaha, ganacsiga iyo wax qada qabsiga cid kale oo taasi nagu soo fara galin kartaa ma jirto awooddayaduna waa lama taabtaan” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Dhinaca kale Madaxweyne Muuse Biixi oo waraysi gaar ah siiyey Telefishanka Al Cay nee Imaaraadka laga leeyahay ayaa sheegay in dalka Qadar uu cadaw ku yahay heshiiska Dekedda Berbera balse aanu wax saamayn ah ku lahayn kuna yeelan Karin.
Ugu dambayn Telefishanku waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland si cad u sheegay in xidhiidhka ay la leeyihiin Imaaraadku noqday mid weyn oo wax wada qabsi diyaarna u yihiin cid walba oo wax la qabsanaysa isaga oo aan waxba ka soo qaadin hadalkii dawladda Soomaaliya.