Gudoomiye Faysal Oo Qaadacay Go’aankii Xisbiga Wadani Kalsoonida Kagala Laabtay Komishanka Doorashooyinka

0
30

Hargeisa (Tayosame News) Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay go’aan uu maanta xisbiga WADDANI kalsoonida kagala laabtay komishanka doorashooyinka qaranka.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in go’aan xisbigga WADDANI uu sabab u noqonayo dib u dhac ku yimaada doorashooyinka golleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo la qorsheeyay inay dalka ka dhacaan sannadka 2019-ka.

Waxa uu sheegay in xilligan arrinkaasi sababayso dib u dhac doorashooyinka iyo khilaaf guddaha ah ” xubinta idinku jirta soo bedesha haddii aad saluugteen, laakiin Guddida inta kale way shaqaynaysaa,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe oo u jawaabaya guddoomiye Cirro.

Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro ayaa shir jaraa’id oo uu Hargeysa ku qabtay ku sheegay in aanay kalsooni ku qabin guddida doorashada, islamarkaana uu madaxweyne Biixi u gudbiyay warqad ay ku dalbadeen in la kala diro. waxa uu sababta ku sheegay in aanay guddidaasi ku fashilantay doorashadii madaxtooyada ee sanadkii hore, islamarkaana aanay kalsooni dambe ku qabi karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.