Hargeisa (Tayosame News) Xildhibaan Axmed Diiriye Nac-nac oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiillada Somaliland ayaa ka hadlay eedaha dul hoganaya wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Guri Barwaabo ee la xidhiidha buugga uu qoray ee Sooyaal kaas oo lagu eedeeyey inuu wasiirku ku qoray gabayo lagu aflagaadaynayo qaar ka mid ah hablaha beelaha Somaliland.
Xildhibaan Nac-Nac ayaa madaxwaynaha u soo jeediyey inuu tallaabo ka qaado wasiir Guri Barwaaqo maadaama uu dadkii isku diray waa sida uu sheegay, waxaana ka mid ahaa hadalladii xildhibaanka “Hablaha in la caayaa waa xaaraan, haddii la caayana fidinteedu waa xaaraan, markaa guddoomiyihii waa ka u yeedhay, madaxwaynaha waxaanu leenahay in ninkaas wax laga qabto, oo sida sharciga ah lala maro, ninkaasi waddanka ayuu qalaanqal galiyey intii la lahaa hore ayaa loo soconayaa dib ayaa loo noqday”.
Sidoo kale Xildhibaan Jaamac Riyo oo ka mid ah xildhibaannada golaha guurtida ayaa tix gabay ah oo wax sheeg ah hawada u mariyey wasiir Guri Barwaaqo, waxaana uu u dhignaa gabayga uu Xildhibaan Riyo ku soo halqabsaday :
“Waran Meel xun laga riday dib buu kuu makalayaa
Waxa jira mashruuc aan la gelin lagana maansoon
Dibnahaa maroorsama ninkii mawqfikaas gala
Ma macaasho kii hablaha cay ugu miciinaa
Minka reer Isaaq iyo gabdhuhu mudanka daaroodka
Midna maahee xaawalaydu waa maal inoo dhex ah
Waa midho inoo wada baxa oon cidi ka maarmayne
Maxaa cayda mooskaaga taal magane kuu geeyey
Macdantii xishoodkiyo maxaa sharaftii kaa maydhay ”
Wasiir Guri-Barwaaqo waxaa muddooyinkii u dambeeyey dul hoganayay fadeexadda buug uu ka qoray sayid Maxamed Cabdillahi Xasan oo uu ku soo qaatay gabayo aflagaado iyo meel kadhac ku ah haweenka Somaliland.