Madaxweynaha Nigeria Oo La Kulmay Gabdho Ay Sii Daayeen Kooxda Boko Haraam

0
18

Nigeria (Tayosame News) Madaxweynaha dalka Nageria Muhammadu Buhari ayaa la kulmay in ka badan 100-gabdhood oo ay sii daayeen kooxda Boka Haram, gabdhahan ayaana laga afduubtay dhawaan iskuulo kuyaala magaalada Dapchi .

Kooxda Boka Haram ayaa sii daysay gabdhahan ciyaal iskuuka laga qafaashay oo gaaray 106-gabdhood iyo wiil yar, waxaana gabdhahan hada yihiin kuwa xaaladooda wanaagsan tahay marka laga reebo afar gabdhood oo lugaha ka jabay.

Madaxweyne Buhari oo la kulmay gabdhahan ayaa sheehay in kooxda Boka Haram kusoo daayeen Shuruud la’aan, waxa uuna ugu baaqay in sidoo kale soo daayaan gabdho kale oo iskuulo laga afduubtay iyo dad kale oo gacanta ugu jira kooxdaasi.

Wuxa uu ka codsaday Madaxweyne Buhari gabdhaha la soo badbaadiyay inay magaaladooda maraan oo aysan ka baqin in dhibaatooyin loo geysto, waxa uuna u sheegay in xaaladooda lala socon doono.

Madaxweyne Buhari ayaa ku amray hay`adaha ammaanka inay hubiyaan ammaanka dhammaan iskuullada u nugul weerarrada kooxda Boka Haram, isagoo ka digay inaan la fududeysan doonin haddii dhacdooyinkan oo kale ay soo laabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.