Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Oo 7 Gantaal Ku Riday Waddanka Sucuudiga iyo Dad Ku Dhintay

0
53

Saudi Arabia (Tayosame News) Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa 7 gantaal ku riday waddanka Sucuudiga kuwaas oo 3 ka mid ah lala beegsaday caasimadda Sucuudiga ee Riyaad. Xooggaga Sucuudiga ayaa sheegay in ay burburiyeen gantaallada lagaga soo riday Yemen. Waxay sheegeen in hal qof ku dhintay burburka gantaallada meel u dhaw caasimadda.

Axaddan ayaa loo arka saddex sanno guuradii ka soo wareegtay markii Sucuudigu faro geliyay dagaalka Yemen ka socda. Isbahaysi Carbeed oo Sucuudigu hoggaaminayo ayaa hawlgalo duqayn u badan ku haya Xuutiyiinta.

Xuutiyiintu waxay sheegeen in ay gantaalladan ku bar tilmaameedsadeen goobo kala duwan oo uu ka mid yahay madaarka caalamiga ah ee caasimadda Riyaad.

Isbahaysiga Sucuudiga ayaa dawladda Iiraan ku eedeeyay in ay taageerayso Xuutiyiinta in kasta oo xukumadda Tehran eedahaasi beeniso “Ficilkan gardarrada iyo colaadda leh ee kooxda Xuutiyiinta ee Iiraan dabada ku haya waxay caddaynaysa in xukumadda Iiraan sii waddo taageerada Militari ee kooxdan ay awooddooda ku dhisayso,” sidaas ayuu yidhi afhayeenka ciidamada isbahaysiga Sucuudigu.

“Gantaallada badan ee balaastiga ah ee lagu riday caasimaduhu waa khatar soo korodhay,” Sidaas ayuu yidhi afhayeenka isbahaysiga Sucuudiga u hadlay.

Dad jooga Riyaad ayaa ku warramaya in ay arkeen qaraxyo dushooda ah iyo uurada qiiqa.

Wakaaladda wararka Sucuudiga ayaa sidoo kale ku warrantay in gantaalladan lagu hagaajiyay magaalooyinka koonfurta ku yaalla ee Najran, Jizan iyo Khamis Mushait.

Xuutiyiinta ayaa bilihii u dambeeyay daraasiin gantaalla ah ku riday waddanka Sucuudiga. Maleeshiyadan ayaa dagaal kula jirta dawladda Yemen iyo isbahaysiga Sucuudiga ilaa 2015.

Dawladda Iiraan ayaa dafiraysa hubaynta kooxda Xuutiyiinta waxaanay ku doodaysa in gantaallada ay ridayaan Xuutiyiintu yihiin ficillo ay u madax bannaan yihiin jawaabna u ah gardarrada isbahaysiga Sucuudigu ku hayaan waddanka Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.