Dawlada Maraykanka Oo Dalalkooda Ku Celisay Muhaajiriin Soomaali Ku Jirto

0
37

USA (Tayosame News) Dawladda Kenya ayaa iyadu qaabishay 20 qofka ee ka soo jeeda wadankaasi,Diyaarad Sida 100 qof oo laga soo tarxiilay dalka Maraykanka ayaa ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta oo ku yaala Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Wadanka Kenya.

20 ka mid ah dadkan laga soo mastaafuriyay Dalka Maraykanka ayaa ka soo jeeda Waddanka Kenya, halka tirada kalena ay ka soo kala jeedaan Wadamada Soomaaliya iyo Suudaan.

Dadkan laga soo celiyay Dalka Maraykanka ayaa waxa lagu soo eedeeyay in ay sharci darro ku soo galeen dalkaasi isla markaana waxa saaka 10:00 aroornimo laga soo dejiyay garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta.

Dawladda Kenya ayaa iyadu qaabishay 20 qofka ee ka soo jeeda wadankaasi, hasayeeshee isla diyaarada ayaa la duushay 60 qof oo iyaguna u dhashay soomaaliya, kuwaas oo laga dejiyay garoonka diyaaradaha Ee Magaaladda Muqdisho.

Hore ayaa sidaas oo kale dawladda Maraykanku ay u soo tarxiishay Dad ay ku sheegtay in ay si sharci darro ah ku galeen dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.