Sports (Tayosame News) Liverpool ayaa Anfield ku garaacday kooxda Roma iyada oo 5-2 ku xasuuqday laakiin Liverpool ayaa dhamaadkii ciyaarta ogolaatay in Roma ay rajadeeda ku soo noolaysay in ay laba gool oo marti ah dhalisay iyada oo Reds iska lumisay 5-0 ay hogaanka ciyaarta ku haysay ilaa daqiiqadii 81 aad laga soo gaadhayay markaas oo ay Roma ka faa’iidaysatay daalkii Liverpool iyo in Klopp uu saaray Mohamed Salah oo Roma burburiyay.
Mohamed Salah ayaa labada gool ee hore kooxdiisa qaybtii hore u dhaliyay wuxuuna qaybtii labaad sameeyay laba gool caawineed oo ay kala dhaliyeen Sadio Mane iyo Roberto Firmino halka James Milner uu taariikh cusub oo gool caawinta Champions League ah ku dhigay inuu Firmino ka caawiyay goolka shanaad.
Liverpool ayaa si wayn uga cadhaysan in dhamaadkii ciyaarta ay lumiyeen shabaqa nadiifta ah ee ay u muuqdeen in ay si sahlan ku gaadhayeen waxayna Roma awoodeeda iskugu gayn doontaa kulanka lugta labaad ee Stadio Olympico in ay ka soo kabsato fadeexadii Anfield ku soo gaadhay.
AS Roma ayaa ciyaarta u bilaabatay dardar xoogan waxayna markiiba culays saartay Liverpool iyada oo ku qasabtay in ay Reds shaqo badan oo difaacasho ah qabto laakiin kooxda Klopp ayaa ciyaarta si gaabis ah ugu soo laabanaysay waxayna markeeda doonaysay in ay ka taxadarto in goolal looga dhaliyo Anfield.
DAQIIQADII 18 AAD Liverpool ayay dhibaato wayni soo gaadhay kadib markii uu dhaawac halis ahi soo gaadhay isla markaana garoonka laga dhex qaaday Alex Oxlade-Chamberlain kaas oo si xamaasadaysan iskugu dayay in uu taakal ku qabto Kolarov waxaana Klopp qasab ku noqotay in uu xili horeba kaydka uga yeedho Georginio Wijnaldum.
DAQIIQADII 19 AAD Birta Goolka! Intii shaqaalaha caafimaadka Liverpool ay ku mashquul sanaayeen xaalada Chamberlain ayay Roma heshay gool dhalin cadaan ah kadib markii uu Kolarov goolka Liverpool ka soo toogtay meel ka baxsan xerada ganaaxa laakiin kubbada uu Karius u muuqday in uu iska joojiyay ayaa dhaaftay waxayna ku dhacday birta goolka.
DAQIIQADII 29 AAD Alla maxay fursad lumin ahayd! Fazio ayaa ku fashilmay in uu joojiyo Sadio Mane waxaa loo qaatay in xidiga ree Senegal uu dhaliyay goolka furitaanka ee ciyaarta balse ma rumaysan kartid fursada uu Mane lumiyay isaga oo waliba haysta in Salah oo dhinaca midig banaan joogay uu kubbada u bixiyo waxaana kubbada badbaadiyay goolhaye Allison!.
DAQIIQADII 30 AAD Kani Mane ma aha miyaa? Sadio Mane ayaa naftiisa rumaysan kari waayay kadib markii uu isla daqiiqadii xigtay lumiyay fursad kale oo uu helay wuxuuna kubbada u darbeeyay cirka wuxuuna fadhiistay garoonka dhexdiisa isaga oo naftiisa la yaaban balse qof kasta oo kale ayay layaab ku ahayd fursadaha uu lumiyay.
DAQIIQADII 34 AAD Sadio Mane ayaa ugu danbayn kubbada ku taabtay shabaqa Roma kadib markii uu kubbad ka helay Robertson laakiin nasiibka xidiga ree Senegal ayaa markale xumaaday iyada oo goolkan loo diiday in uu offside ahaa.
DAQIIQADII 35 AAD Liverpool ayaa ugu danbayn ka midh dhalisay weerarkii dhul gariirka ahaa ee ay ku haysay goolka Roma waxaana kooxdiisii hore ugaadhsaday Mohamed Salah kaas oo si fiican qurux badan u dhamaystiray kubbad caawin uu ka helay Roberto Firmino oo si layaableh ciyaarta u iftiiminayay wuxuuna Salah ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Liverpool hogaanka kula wareegtay. Alla muxuu gool ahaa!.
Mohamed Salah ayaa sidii uu kulankii Chelsea sameeyay aan wax dabaal deg ah u samayn goolka muhiimka ahaa ee uu kooxdiisa Liverpool uga dhaliyay kooxdiisii hore ee Roma, waxayna Roma ugu danbayn la kulantay ciqaabtay uu Salah soo mariyay kooxo badan.
DAQIIQADII 37 AAD Birta goolka! Liverpool ayaa ugu dhawaatay in ay goolka labaad la timaado kadib markii uu Lovren birta u garaacay Roma waxayna kooxda martida ahayd markan ka badbaaday goolka labaad ee ay Reds sida wayn u raadinaysa.
DAQIIQADII 45 AAD Mohamed Salah ayaa markale si layaableh goolka labaad ugu qubeeyay kooxdiisii hore ee Roma kadib markii uu Roberto Firmino uu markale soo burburiyay difaaca Roma isla markaana uu Salah siiyay fursad uu goolhayaha isku saaray, laakiin Mohamed Salah oo difaaca cadaadis kala kulmayay iyo goolhaye Allison oo soo baxay ayaa si sahlan kubbada u dhaafsaday wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0 ay Reds hogaanka ku dheeraysatay.
Liverpool ayaa noqotay koox aan la joojin karin iyada oo Roma weeraro aan caadi ahayn ku jaho wareerisay balse qaybtii hore ee ciyaarta Roma oo ka cabsi qabta in loo saddeexyo ayuu garsooraha waqtigii nasashada yeedhiyay.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Liverpool soo laabtay iyada oo ka sii xoogan qaybtii hore waxaana jiibta iyo jaanta si layaableh Salah, Mane iyo Firmino iyada oo inta kale ee Reds ay gadaal ka soo riixayeen waxayna Roma garan la’ayd wax way samayso.
DAQIIQADII 56 AAD Liverpool ayaa la timid goolka saddexaad ee ay xaalada ugu sii xumaysay Roma kadib markii uu Sadio Mane ugu danbayn gaadhay shabaqa Roma ee uu fursadaha halista ah ku hor qasaariyay laakiin ma rumaysan kartid qaabka uu Mohamed Salah kubbad hadiyad ah u siiyay Sadio Mane si uu u dhaliyo goolkan waxayna ciyaartu noqotay 3-0 ay Reds ku dubanayso Roma.
DAQIIQADII 60 AAD Goolhaye Allison ayaa kooxdiisa Roma ka badbaadiyay goolka afraad kadib markii uu Robertson helay fursado uu goolkan ku dhalin kari lahaa waxayna Roma daqiiqad kasta halis ugu jirtay goolka afraad.
DAQIIQADII 61 AAD Mohamed Salah ayaa markale ceeb iyo fadeexad gadhka u galiyay kooxdisiii hore ee Roma isaga o markale Roberto Firmino ka caawiyay in uu sida ugu sahlan uu goolka afraad ee Reds uu ku dhaliyo wuxuuna Salah markale awooday in kubbad uu si cadaan ah ula soo galo xerada ganaaxa Roma waxaana ugu danbayn goolkiisa uu u qalmay helay Firmino waxayna ciyaartu noqotay 4-0 ay Liverpool ku ceebaynayso Roma.
DAQIIQADII 68 AAD Roberto Firmino ayaa kooxdiisa Liverpool gool madax ah ugu shaneeyay kadib markii uu gool caawin ka helay James Milner oo noqday xidigii abid hal xili ciyaareed gool caawinta ugu badan ka sameeyay UEFA Champions League wuxuuna Firmino goolkiisa labaad ciyaarta ka dhigay 5-0 ay Reds si naxariis daro ah ugu gumaadayso Roma.
DAQIIQADII 75 AAD Jurgen Klopp ayaa ka farxiyay Roma kadib markii uu ciyaarta ka saaray Mohamed Salah oo dhinac kasta kaga yimid kaas oo laba gool dhaliyay isla markaana laba gool caawineed sameeyay wuxuuna ciyaarta soo galiyay Danny Ings iyada jamaahiirta Anfield ay si waali ah iskugu taageen Salah.
DAQIIQADII 81 Roma ayaa ugu danbayn naftu ku soo noqotay kadib markii uu difaaca Liverpool ee Van Dijk uu hadiyad siiyay Eden Dzeko oo kubbad dheer ka helay Nainggolan wuxuuna Dzeko si qurux badan u dhamaystiray fursada dahabiga ah ee uu helay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 5-1 ay Roma goolka martida ku heshay.
DAQIIQADII 84 AAD REKOODHE Roma ayaa si layaableh u heshay rekoodhe kadib markii uu James Milner ay gacanta kaga dhacday kubbad uu banaanka xerada ganaaxa ka soo darbeeyay Nainggolan wuxuuna markiiba garsooruhu tilmaamay rekoodhe.
DAQIIQADII 85 AAD Roma ayaa heshay goolkeeda labaad kadib markii uu Perotti si qurux badan u dhamaystiray rekoodhaha kooxdiisa lagu abaal mariyay waxayan ciyaartu noqotay 5-2 ay wali Liverpool hogaanka ku hayso balse Liverpool ayaa isku dhex yaacday tan iyo markii uu Mohamed Salah garoonka ka baxay waxayan Roma noqotay kooxda wax walba garoonka ka samaysay.
Jurgen Klopp ayaa qaladkii ugu waynaa ku lahaa in Mohamed Salah uu xili hore saaray maadaama oo uu dhibaato nooc kasta uu ku abuurayay difaaca Roma waxayan ciyaarta Liverpool markan noqdeen kuwo awoodii ka dhamaatay maaadaama oo ay tamar aan caadi ahayn isticmaaleen.
Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 5-2 ay Liverpool ku xasuuqday balse ay walwal ugu dhamaysatay ciyaarta kadib markii ay Roma xili danbe soo baraarugtay waxayna Reds sii gaadhay guul muhiim ah ka hor inta ayna Stadio Olympico ku booqan Roma.