Hargeisa (Tayosame News) Waxa jira dhibaatooyin badan oo ay sababto hurdo la’aanta ama hurdo yaraantu. Sida in qofku uu dareemo deganaan la’aan iyo in uu qofku dareemo daal badan oo aanay xubnihiisa jidhku si fiican u shaqaynin.
Si kastaba ha ahaatee, waxa jira khataro tiro badan oo ay keento hurdo la’aantu. Xusuusta qofka, miisaan fuula jidhka iyo guud ahaan caafimaadka qofka ayaanay u wanaagsanayn hurdo la’aantu.
Waxaynu halkan kusoo qaadan doonaa sagaal qodob oo muhiim ah, isla markaana khatar caafimaad ah oo ay sababto hurdo la’aanta ama hurdo yaridu.
1- Hurdo-yaraantu Waxay Sababtaa Dhimasho:
Daraasad lagu sameeyay dalka Ingiriiska ayaa muujisay in dadka aanay hurdadoodu fiicnayn ay keento inay sababto inuu yaraado heerka carruurta dhalanaysa. Sidoo kale dadka ay ku yar tahay hurdadu ayaa halis ugu jira cudurro khatar ah oo aan dawo lahayn.
2- Daal Horseedi kara Shilalka:
Shilalka khatarta ayaa inta badan la xidhiidha kuwa ay sababaan hurdo la’aanta ama hurdo yarida. Cilmi-baadhisyo badan ayaa caddeeyay in hurdo la’aantu ay keento in dadka gaadiidka wadaa ay galaan shilalka noocooda halista ah. Gaar ahaan waxay daraasaddahaasi hoosta ka xariiqeen in dadkaas ay u badan yihiin kuwa da’doodu ka yar tahay 25 sanno.
3- Hurdo La’aanta Waxay Horseedaa Caafimaad-darro badan:
Khatarta in xanuunno badan oo aan dawo lahayni bataan waxyaabaha ugu badan ee sababa ayaa ah hurdo yarida. Qiimayn la sameeyay ayaa 90% dadka inta badan ay hurdadu ku yar tahay ay saameeyaan cudurradan hoos ku xusan:
- Macaanka
- Faalliga
- Wadne xanuun
- Wadne istaag
- Shaqada wadnaha oo hoos u dhacda
- Dhiig-kar
4- Hurdo La’aantu Waxay Keentaa Isku-buuq Nafsaddeed:
Hurdo la’aantu waxay kor u qaadaa isku-buuqa nafsiyaddeed. Codeyn la sameeyay sannadkii 2005, ayaa caddeysay dadka ugu badan ee la il-daran cadhada iyo isku-buuqu ayaa ah dadka ay ku yar tahay helitaanka hurdadu ama balwad ka dhigtay soo jeedka habeenkii, waxaanay sidoo kale codeyntaasi muujisay in dadka sidoo kale ay hurdadoodu ka yar tahay habeenkii lix saacadood ay halis ugu jiraan isku buuqa.
5- Hurdo La’aantu Waxay Khal-khalisaa Hanaanka Waxbarasho:
Hurdadu waxa aasaas u tahay wanaajinta hanaanka shaqo ee maskaxda. Hurdo la;aanta waxay hoos u dhigtaa feejignaanta iyo dareenka qofka, kuwaasoo fududeeya in qofka maskaxdiisa ay galaan macluumaad badani. Dareenka maskaxeed ee qofka oo hoos u dhacaa waxa uu sababaa hoos u dhac ku yimaada kartida qofka iyo inuu xalin kari waayo dhibaatooyinka lasoo darsa, taasoo macnaheedu yahay in ay ku bataan dhibaatooyinkaasi aanu waxba baran Karin
6- Hurdo La’aantu Waxay Sababtaa Go’aan Qaadasho La’aan:
Marka aanu qofku helin hurdo ku filan waxa hoos udhacaysa awooddiisii qofeed ee uu ku kala garan lahaa sax iyo qalad, taasina waxay keentaa inuu adkaado inuu si sax uga fal-celiyo xaaladaha kusoo kordha noloshiisa, iyadoo taasi horseeda go’aan qaadasho la’aan.
7- Dhibaatooyin Saameeya Dubka/Diirka Jidhka:
Keliya habeen aanu seexan qofku waxay u horseedi kartaa khatar caafimaad oo dhinaca indhaha ah iyo sidoo kale isbedel ku yimaada dubka ama diirka jidhka. Haddii uu qofku caadaysto soo jeedka habeenkii waxa taasi sababtaa inay madoobaan dubka ku wareegsan indhaha.
Waxa kale oo ay waxyeelo soo gaadhaa kala diirka jidhka, marka aanu qofku helin habeenkii hurdo ku filan.
8- Miisaan Fuula Jidhka:
Hurdada oo uu qofku si fiican u helaa waxay ka caawisaa in qofku baahidiisa cuntadu ay ahaato mid ku salaysan xilliga iyo xadiga cunto ee uu u baahan yahay. Haddaba hurdada oo yaraataa waxay keentaa in hormoonnada jidhka qaarkood ay u shaqeeyaan si khalkhal ah, kuwaasoo lumiya hanaanka cunto qaadashada qofka, waxaanay taasi sababtaa culeys iyo hilib qofka jidhkiisa fuula, isla markaana miisaanka ama hilibka jidhka fuulaa, waxa la wada ogyahay inaanu caafimaad ahaan wanaagsanayn, oo uu sababo cudurro badan oo aan dawo lahayn.
9- Hurdo-yaraantu Waxay Keentaa Xusuus La’aan:
Hurdada ayaa ah ficilaatka ugu muhiimsan ee ka qayb qaata in maskaxda aadamuhu ay si fiican u shaqayso, isla markaana yareysa isku buuqa iyo deganaan la’aanta nafsiyadeed, haddaba sidoo kale hurdada oo uu qofku si fiican u helaa waxay qayb weyn ka tahay in xusuustiisu ay si fiican u shaqayso, isla markaana uu qofku dhinacyo badan ama hawlo badan oo masxkadiisu qabatay uu dib u xasuusan karo, si uu u dabaqa waxyaabaha kale ee taagan ee noloshiisa lasoo darsa. Sidaa darteed hurdo la’aanta ayaa ah waxyaabaha ugu horeeyaa ee sababa xusuus la’aanta.