Hargeisa (Tayosame News) Hadii aad is waydiinayso ma waxaa jiro cuntooyin hadaad caadeysato ku gaboojinaya? Jawaabtu waa haa waxaana jira cunooyin ka mida cuntooyinka aan sida joogtada ah u isticmaalo qaarkood waxay muuqaalkaaga ka dhigayaan mid ka wayn inta uu yahay da’ahaan
sida calaamadaha Diirka ku sameysma ama wajigaaga oo urura, sida ay cuntoyinkani ku keenaan inay muujiyaan gabaw aanad gaadhin ayaa ah waxay waxyeeleeyaan Qaar kamida Unugyada Jidhkaaga, Arintanina Waxay sababi kartaa muuqashada Calaamadaha Gabowga oo kasoo horeeya Xiliga ay ku iman kareen ee ku xidhan da’da,
Waxaa Mihiim ah inaan iska ilaalino inaynu gacanteena gabawga ku keensano, Hadaba Cuntooyinka oo daraasado iyo Cilmi Baadhis badan kadib lagu ogaadey inay Keenaan Gabaw aan da’diisa lagaadhin waxaa kamid ah
- Roodhida: Waxaa looga jeedaa Furinka, Keega, waxaa ku jira Maadooyinka Subaga, iyo Sonkor, ku waas oo saameeyn taban ku yeelan karta Unugyada Jidhkaaga waxaanay horseedayaan Gabow !
- Baradhada : Waxay kusoo dedajisaa Muuqaalka Jidhkaaga Gabowga, Baradhadu waxay Qani ku tahay Karbonhaydarayt, iyo Macnado kale oo u horseedi karta jidhka Xariiqimada ku sameyma wajiga ee Gabowga.
- Cabitaanka Sharaabka (Energy): Sharaabkani waxaa ku jira Sonkor Badan iyo Maadada looyaqaan Kaafiin (Caffeine) oo ku keenta Jidhka kala Bixin ama inay jidhkaaga kala balaadhiso tana waa qaar ka mida sababaha keena gabowga.
- Maadada Alcohol : Waxyaabaha ay ku jirto Maadadani waxay Qalajisaa jidhka waxaanay Isticmaashaa Faytamiinada iyo Macdanaha Jidhku ubaahanyahay ee kaydsan
- Hilibka : Hilibka waxaa ku badan Milixda taas oo jidhkaaga ukala saari karta sidii Buufinta waxaa kaloo ku jira Subag waana sababta uu ku keeno Dedajinta Muuqaalka Gabowga
- Jabiska ama Baradhada Lashiiley: waxaa ku badan maadooyinka Subaga waxaana aad loogu baahanyahay hadii aad isticmaasho inaad qabato shaqo adag si jidhku u lumiyo hadii aanay taasi jirina waxay ku keenaysaa inay wax yeesho Unugyada Jidhka.
- Pizza : waa Cuno culus oo uu aad ugu badantahay Maadooyinka Subaga iyo Saliida oo keena inay dilaan qaar kamida unugyada waxanay muuqaal ahaan iyo caafimaad ahaanba keenayaan hore u gabaw