Madaxweyne Farmaajo Oo Goor Dhaweyd U Ambo Baxay Dalka Eritrea

0
31

Muqdisho (Tayosame News) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw u ambabaxay magaalada Asmara ee dalka Eriteriya halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho rasmi ah oo qaadaneysa muddo 3 maalmood ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Asmara waxa uu wada hadallo la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Eriteriya Mudane Asias Afawerki, waxaana diiradda lagu saarayaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

“Labada shacab ee Soomaaliya iyo Ereteriya waxa ay wadaagaan xiriir iyo sooyaal fac weyn. Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta ayaa waxay albaabada u fureysaa xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi cusub oo ay yeeshaan labada dal.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

Safarkan waxaa ku weheliya Madaxweyanaha xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno iyo qaar kamid ah la-taliyeyaasha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.