Hargeisa: (Tayosame news) -Gudoomiyaha xusbiga mucaaradka ah ee ucid eng, feysal Cali Waraabe oo Khudbad u jeedinayay boqolaal ka mid ah taageerayaasha xisbigiisa ayaa soo hadal qaaday arimaha gobolka puntland iyo sidoo kale Arimo ku wajahan dowlada dhexe ee soomaaliya
Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ka feysal ahaan hadii uu ku guuleysto Madaxwayne nimada Soomaliland Islamarkaana uu hogaanka somaliland qabto qaban doono sida uu sheegay shirweyne uu ku heshiisiinayo siyaasiyiinta iyo madaxda soomaliya.
Feysal ayaa sidoo kale digniin u jeediyay madaxda maamul goboleedka ee puntland oo uu uga digay in ay fara gelin ku sameeyaan doorashada madaxtinimo ee Somaliland,hadii ay joojin waayaan ay tilaabo ka qaadi doonaan ,isagoona ku hanjabay hadii puntland isku daydo ay qabsan doonaan magaalada garoowe ee xarunta maamulka puntland