Xiisada Khaliijka Oo Sii Cakirmaysa Iyo Sucuudiga Oo Diiday Inuu Wada Xaajood La Furo Qadar

0
58
Labada Boqor Ee Ka Kala Arimiya Qatar Iyo Saudi Arabia

Qatar: (Tayosame news) -Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Rekis Tillerson  ayaa sheegay hadalkaasi, kadib, markii uu Shir Jaraa’id ku qabtay Caasimadda dalka Qatar ee Dooxa, wuxuuna tilmaamay inuusan rajo buuxda ku qabin inay Dowladda Sacuudiga doonayso inay Wada-xaajood ka galan xalinta Khilaafka Khaliijka.

Rekis Tillerson  waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay inaysan wada-xaajood ku khasbi Karin dad aan diyaar u ahayn inay wada hadlaan.

Bishii June 5-dii ayey Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar xiriirkii Diplomaasiyadeed u jareen dalka Qatar, kuna eedeeyeen inay taageerto Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, balse Qatar wey beenisay eedaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.