Maxamed Kaahin ha loo sheego Qabyaaladu siyaasad ma aha!

0
77

Maxamed Kaahin ha loo sheego
Qabyaaladu siyaasad ma aha!
W/Q Bashiir Cumar Geelle

Daangaslaha caawa maxamed kaahin isu soo ururiyey kalama uu hadlin wax dhaafsiisan qabyaaladii gabowdey ee burco iyo inuu doonayo in jeegaantii la eeday uu dib boodhka uga jafo.
Intaa markii uu u laqimayna wuxu sheegtay inuu muuse biixi u soo ogolaaday inuu xisbiga kulmiye gudoomiye ka noqdo, oo mar kale dadkii fartooda eeday uu cod ka doono.
Iyaguna ileen waxay ahaayeen udubcad la soo xulaye hawraarsan bay ugu war celiyeen.
mid qudhi ma weydiin bal sida uu yeeli doono marka uu gudoomiye xisbi noqdo! Iyo waxa ku soo kordhaya ee hada ka maqan.
Mid keliyi kuma odhan afar sano oo aanu tv.yada tubnayn, oo dadkani cabanayey xagaad jirtey oo caawa ka soo toostay? Fartayadii aanu eednay, aduunkayagii la boobay, iyo eexda aanu tirsanayno maxaad kaga jawaabaysaa?
Bal wax weyn iska dhaafe docwareenka hoose ee ku dhacay deegaamadan ay sheeganayaan cidi wax kama weydiin.
mid keliyi ma weydiin diyaaradihii wiilashii ka wakiilka ahaa laga faramaroojiyey, mid keliyi ma weydiin beertii cismaan dacas, mid keliyi ma weydiin aqalkii hargeisa club ee xooga lagaga saaray suldaan siciid yuusuf iyo jaamac karaaciin.
Mid keliyi ma weydiin waxa uu taageerada kaga doonayo,
ma jirto cid su,aashey bal waxa laga rabo boqor cismaan buurmadow ee uu dalka uga yahay masaafurka(excile).
mid keliyi ma weydiin sodonka sano ee uu sheeganayo inuu soo shaqeeyey bal waxa uu deegamadiisan u qabtay inuu rag qayrkii ah xadhkaha u soohayey mooyee, laguma odhan waxay dadku kaa guntaan bal noo sheeg waa golee?
Anigoo la yaaban siday goroda u laalaadiyeen Iyo kasxumada kulmiye taala, ayaa hadana waxa igu soo dhacday oo aan xasuustay maansadii gaariye ee dir iyo daabac tuducyo ku jirey ayay ka mid ahaayeen.

Dugsi maleh qabyaaladi
Waa dararta baahida
Waa astaanta dibu dhaca
Waa boog dalooshoo
Dadka maanka uga taal
Dirxi qudhun ku nooliyo
Waxa fadha nin daallina
Damqa oo ku joogsada
Balse dira-diraaloow
dabka yaad u sidataa
Yaad daafacaysaa?
Haddii uunku kala dido
Yaa dulinka kaa layn?
Dibjir iyo nin xoolo leh
Denbi laawe iyo tuug
docdoc weeye shicibkuye
Yaad daawo leediin?
Waxan uga dan lee yahay
Haddaad duullimaad tahay
Riddo waa u meel dayo
Docor yohow abtiriyaa
Armaad dogobka qiiqa leh
derintaad ku huruddiyo
Dushaaduun ku hurisaa?

Maansadii dir iyo daabac.
Abwaan maxamed xaashi dhamac gaariye. Ahun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.