Madaxwaynaha Afqaanistaan oo Xabbad Joojin Ku Dhawaaqay

0
321

Afganistan (Tayosame News) Madaxwaynaha dalka, Ashraf Ghani ayaa ku ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin ay shuruud ku xiran tahay oo lala galo kooxda Taliban.

Xabad joojintani ayaa madaxwaynaha sheegay in ay billaabanayso Isniinta ka hor dabaaldaga ciidda ee maalinta Talaadada.

Mr Ghani ayaa sheegay in xabbad joojinta ay socon doonto muddo saddex billood ah waa haddii kooxda Taliban xushmeeyaan.

Ma jirto wax war ah oo ilaa iyo imika ka soo baxay kooxda Taliban oo ku saabsan xabbad joojinta uu ku dhawaaqay madaxwaynaha Afqanistan.

Balse Talibaan ayaa munaasabadda ciidda darteed siideyn doonta dhowr maxaabiis ah.

Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NATO Janaraal Jens Stoltenberg ayaa soo dhaweeyay xabbad joojinta uu soo bandhigay Mr Ghani.

Mr Stoltenberg ayaa sidoo kale ugu baqay kooxda Taliban in ay xushmeeyaan xabbad joojinta.

Xabad joojinta ayaa imanaya ka dib maalmo uu dagaal qaraar ka socday magaalada Ghazni iyo meela kale oo dalkaasi ka tirsan.

Labada dhinac ayaa fuliyay saddex maalmood oo xabbad joojin ahayd oo ay wada gaareen bishii June xilligaasi oo sidoo kale loo dabaaldagayay ciidda ciiddul Fitriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.