Booliiska Uganda oo Xiray Dad Dibadbax Ka Dhigayay Kampala

0
25
Ethiopians react after an explosion during a rally in support of the new Prime Minister Abiy Ahmed in Addis Ababa, Ethiopia June 23, 2018. REUTERS/Stringer

Uganda (Tayosame News) Booliiska dalka Uganda ayaa waxay sheegeen in ay xireen in ka badan 70 qof ka dib dibadbax ka dhacay caasimadda dalkaasi ee Kampala.

Boliiska ayaa isticmaalay suntan dadka ka ilmaysiisa iyo rasaas si ay u kala ceyriyaan dibadbaxayaasha.

Dibadbaxayaasha ayaa waxa ay ka cabanayeen jirdil la sheegay in loo gaystay xildhibaan ka tirsan mucaaradka.

Xildhibaankani oo lagu magacaabo Bobby Wine ayaa sidoo kale ah fanaan caan ah.

Madaxwaynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa ku tilmaamay warar been abuur ah in jirdil loo gaystay Bobby Wine oo xabsiga ku jira.

Xildhibaankan ayaa la xiray ka dib markii sida la sheegay la dhagaxyeeyay kolanyo uu la socday madaxwaynaha dalkaasi.

Xaaskiisa ayaa horey u sheegtay in seygeeda jirdil loogu gaystay xabsiga dhexdiisa.

Qoyskiisa ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in xaaladiisa ay ka sii dareyso islamarkana lagu duray waxyaabo aan la garanayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.