Dhaxalsugaha Sucuudiga oo ka shaqeyn doona soo celinta Islaam qunyar socod ah

0
85

Saudi arabia: (Tayosame news) -Dhaxal sugaha boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa balan qaaday in uu ku shaqeynayo in uu soo celinayo waxa uu ugu yeeray islaamka qunyar socodka ah.

Dhaxal sugaha, Maxamed Bin Salmaan, oo ka jawaabayay su’aal lagu weydiiyey xaflad maalgashi oo ka dhaceysay Riyadh, ayaa sheegay in ay jiraan isbedel la sameeyay sanadihii 1979-kii, balse saraakiishu ay ka takhalusi doonaan mustaqbalka dhaw hadhaaga xagjirnimada.

Maxamed Bin Salmaan ayaa sidoo kale sheegay in Sacudi Carabiya waqti isaga lumin doonin 30-ka sano ee soo socda waxka khabashada afkaarta wax burburinaya.

Dadka ka faaloodo arrimahan ayaa u arka dhaxal sugaha in uu yahay maskaxda ka dambeysa dhowr isbadel oo dhawaanahan lagu sameeyay dhanka dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Waxaa dhawaan haweenka Sacudi Carabiya laga qaaday xayiraad laga saaray wadida gawaarida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.