Dab wayn ayaa ka kacay madxafka qaranka ee dalka Brazil ee ku yaalla Rio de Janeiro, wuxuuna ahaa mid ka mid ah kuwa ugu qaddiimsan dalkaas.
Dabdamiska ayaa daminaya dabka ka huraya dhismaha oo ay yaaleen in kabadan 20 milyan oo shay.
Ma cadda in dad ay ku dhaawacmeen dabka Axaddii kacay.
Madxafkan oo mar hoy u ahaa qoyskii boqortooyada Boortaqiiska ayaa sannadkan horraantiisa u dabaal dagay 200 oo sano guuradii ka soo wareegtay markii la aasaaay.
Sawirro laga baahiyay telefeshinka Brazil ayaa muujiyay dabka oo ka caya, waxaana la rumaysan yahay in uu billawday marii albaabada la isugu laabay ee ay dhammaatay wakhtigii ay dadku u daawasho tagi jireen. Dabka ayaa ku baahay dhismaha oo dhan
Lamana oga waxa dhaliyay dabka.
Madaxweynaha Brazil Michel Temer ayaa Twitter uu soo qoray ku sheegay “in ay tahay maalin murugo aleh”, wuxuuna intaas ku daray in qiimaha taariikhdooda aan lagu cabbiri karin waxyeellada dhismahaas soo gaartay.”
Madaxa madxafka oo waraysi siiyay telefeshinka TV Globo ee dalka Brazil ayaa sheegay in ay dhacday masiibo dhaqan”
Madxafka waxaa yaalay kumannaan shay oo la xidhiidha dhaqanka Brazil iyo dalal kale oo ay Masar ka mid tahay, sida ku qornayd barta uu ku leeyahay Internetka.