Garsoorihii Ku Qorna dacwadda Suxufiyiinta Xidhan Oo iska wareejiyay kiiskooda

0
8

Garsoorihii ku qornaa dacwadda Saddexda Saxafi ee Hargeysa ku xidhan Mahad Maxamed Yuusuf, ayaa maanta iska wareejiyay kiiskaasi sida ay xaqiijiyeen ilo-xogogaal ah.

Garsoore Mahad, ayaa ka dalbatay guddoomiyaha Maxkamadda in uu ka wareejiyo Kiiska Saddaxda Saxafi ee kala ah Maxamed Cabdi Ilig, Cabdijibaar Maxamed Xuseen iyo Cabdiraxmaan Khaliif.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in markii dambe guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex Cabdi Qawdhan, isaga laftiisu isku qoray dacwadda Saxafiyiinta.

Dacwadda saddexda Saxafi ayaa muddaysneed in 9-ka bishan Maxkamadda Hargeysa ay ka bilaamanto, lamana oga sababta keentay in Garsoorihii lagu qoray ka cudur daarto.

Sidoo kale lama oga in isbeddelka ku yimi Garsooraha ay dib u dhigi karto bilaabashada dacwadda ?

Xigasho : Cabdiqaadir Coday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.