Sheeko Aad U Cajiib Badan Oo Dhex Martay Raysal Wasaare Khayre Iyo Wiil Yar

0
266

qisadan ayaa dhex martay raysal wasaare khayre iyo wiil yar oo uu ku booqday cusbitaalka kamid ah cusbitaalada magaalada muqdisho

waana tan qisadii

 

Yarisow: Adiga dhaqtarkii ma tihidoo?

RW: Hhh maya wiilkeygii .. ma i taqaanid miyaa?


tv-ga ma iga arkin miyaa wili?.

Yariisow: Maya Maya! Wayo TV ma noo yaal.

RW: OOH!! Sorry!. Ok waxan ahay RW Somalia.

Yarisow: k.k.k.k waraa sxbow wan xanuunsanahay ee ha iga qoslin nh.😂😃😁

RW: Yaab!! maxaa dhacay Adeer!. Ima aaminaysid miyaa? waxan ahay RW kheyre.

Yarisow: Yaaah adiga miyaa kheyraa?
Adeer lkn ceeb waaye maahinoo ra’isul wasaaraha madaxtooyada inuu ka soo baxo.
Maxaa iga soo doontay aniga yariis lee ahee.?

RW: Maya wiilkaygii ceeb maaha taasi,
Lkn waxaa ceeeb ah in aan madaxtooyada soo dhaafi waayo oo aan idin imaa waayo.

Yariisow: oo waayo …

RW: Madaxtooyada waxaa noo taal sariirta aan ku seexano,

Lkn shaqada nagala rabaa waxay taal bulshada dhexdeeda. Waana sababta aan kuula joogo.

Yarisow: WaaaW!! Nin fiicanaa tahay adeer ilaahow hanaga kaa qaadin.

Lkn Adeer wan ku baryaa bax iska laabo ma rabo in lagu dilo oo aan ku waayno. 😓

RW: Geesigaygii, hadaan baqanayo xilkaan ma qaadi laheen ilmahayga ayan la joogi lahaa.

Ma’ogtahay hadaan hada kaa cararo adiguna waxaad mustaqlka ka carari doontaa carruurtayda markaad madax noqotid.

Yarisow: Mudane xaqiiqdii adigu ra’isul waraareehana kaliya ma tihid ee waxad tahay macalinkeena.

-Adigu waxaad tahay macallin na baraya micnaha dowladnimada.

-Adigu waxaad tahay macallin dhalinyarada soomaaliyeed baraya dal jaceyl iyo isku filnaan.

-Adigu Waxaad tahay macallin na baraya qiimaha uu bulshada u leeyahay masuulka wadaniga ah sidada oo kale.

-Ma ogtahay mudane RW gacantaada markaad garabkayga saartay xanuunkii i haaayay wan hilmaamay😂
Waayo waxan dhadhamiyay dareen aanan wiligay arkin kaas oo ah macaan ka dowladnimada.

-Markii hore waxaan laheen hal aabbe lkn hada waxaan yeelanay Aabe yaal kale oo nala qaybsada xanuunka iyo farxada waana Aabbe Kheyre iyo Aabbe farmaajo mahadsanidiin.

Illaahoow cimrigiina raaji waxaad tihiin rajada iyo astaanta soo laabashada dhulkii udgoonka ee soomaaliya.
Somalia nus qarni ayaa xumaan laga faafinaya ee dhalinyarooy dalkeena aan wanaag ka faafino.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.