Waa Maxay Cafisku? Muxuu Se Kaga Duwan Yahay Saamaxaadda? W/Q Garyaqaan Guuleed Dafac

0
38

Awoodda bixinta cafis (amnesty) ama saamaxaad (pardon) waxa iska leh oo ay gaar u tahay madaxwaynaha sida ku cad qodobka 90(5) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida ku cad qodobka 144aad ee Xeerka Ciqaabta, Madaxwaynuhu wuxuu cafis u fidin karaa cid dembi aan weli lagu soo oogin ama cid eedi ku socoto ama cid la xukumay.
Halka saamaxaaddu ku kooban tahay cid dembi lagu helay oo qayb ka mid ah ama dhamaan ciqaabtii la saaray laga saamaxayo sida ku cad qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta.

Cafisku mid guud iyo mid gaar ahba wuu noqon karaa. Ka guud dad badan ayuu saameeyaa, ka gaarka ahina cid magacaaban.

Cafiska iyo saamaxaddu waa go’aan madaxwayne oo qoran.
Awoodda cafisku waa u gaar madaxwaynaha oo cidi lama wadaagto, uma na baahna in cid kale ansixiso.

Jawaabta su’aasha waydiinteedu igu soo noq noqtay waa intaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.