Xildhibaan Ku Dhawaaqay In Siyaasiyiin Iyo Dad Kale Ka Qayb Galayaan Caleemo Saarka Kismaayo & Xukuumadda Oo Aan Ka Hadal
Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa si adag u diiday in cid ku abtirsata Somaliland ay ka qeyb gasho xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Dalkaasi Soomaaliya ee Jubbaland, isla markaana Xisbiga Waddani waxa uu Madaxweynaha JSL ugu baaqay inuu hor istaago arrintaasi.
Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga Waddani Marwo Faadumo Siciid, ayaa shalay Warbaahinta kula hadashay Magaalada Hargeysa, ayaa si adag arrintaasi ugu hadashay isla markaana ku dhalliishay Gollayaasha Guurtida iyo Wakiillada waxaanay tidhi, “Marka labadii Guri isku raaceen ee ay yidhaahdeen waxaanu ka qayb galaynaa Caleemo saarka maamul Gobolleed Soomaaliyeed waxa weeyi dhabar jab aad u xun oo ku timid Somaliland”. Xoghayaha Arrimaha Dibada Xisbiga Waddani waxa kale oo ay intaasi ku dartay, “Su’aasha la is weydiinayaa waxa weeyi ma waxay leeyihiin oo ay taasi metalaysaa oo muujinayaan Somaliland inay tahay Maamul Gobolleed u tegaysa Maamul Gobolleed, waxa weeyi mucjiso oo wax wareer ku riday Bulshadii Somaliland”.
Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga Waddani Marwo Faadumo Siciid, waxa kale oo ay tilmaamtay qiimaha ay Qarannimada Somaliland leedahay iyo halista ay ku yeelan karto Soomaaliya, “Qarannimada JSL maaha wax aynu ciyaar ku tuuri kareyno, Markaa Mucaarid ahaan uma hadlayee waxaan u hadlayaa annaga oo ah Xisbi Qaran oo Qarankayaga u damqanaya oo aan ogollayn inuu in yar hoos u dhaco, Somaliland waa Qaran jiray Soddon sanadood oo shaqeynayey markaa in maanta labadii Gole ee ugu sarreeyey yidhaahdaan waxaanu u tegaynaa Maamul Gobolleed Soomaaliya ah macnaheedu waxa weeyi waxaan u tegaynaa innaga oo ah Maamul Gobolleed ah, laakiin Soomaaliya waa Soomaaliya oo Jubbaland iyo Cidda la caleemo saarayo ee Madaxweynaha ahi waa Soomaaliya, markaa waxaan fahmi waayey Soomaaliya ma soo fara gelin kareyso Somaliland ciddii la caleemo saarayo iyo ciddii la magacaabayo ee sababta aynu innagu u isku dhex gelinayno arrimo iyaga u gaar ah, haddii iyagu (Soomaaliya) wax isku diidaan ama is laayaan ama wax isku af garan waayaan waa waddan iyo maamul gobolleedkiisii oo uu khilaaf ku dhex jiro ee shaqo aynu innagu ku leenahay haba yaraatee ma jirto, iyadoo aynu ognahay in aanay Jubbaland aqoonsan Somaliland, sidaasi awgeed waxay inoola mid yihiin dawladda Federaalka ah ee Dalkaasi Soomaaliya iyo Dastuurkooda ay qaateen oo leh in Somaliland iyaga ka mid tahay, markaa Qof aan ku aqoonsaneyn caleemo saarkiisa sabab aad uga qayb gashaa ma jirto”.
Ugu dambeyntiina, Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga Waddani Marwo Faadumo Siciid, waxay baaq u dirtay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, “Madaxweynaha JSL waxaan u soo jeedinaynaa in uu joojiyo socdaalkaasi iyagoo u tudhaya Qarannimada iyo Dadkooga u tudhaya iyo halgankii aynu soddonka sanadood ku soo jirnay u tudhaaya” Ayey tidhi Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani
Dhinaca kalena, hadalkan Xisbiga Waddani ayaa waxa uu yimmi markii dorraad uu si cad uga hadlay ka qayb galka Somaliland ee Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Xildhibaan Naasir X Cali Shire oo ka mid ah Golaha Wakiillada JSL, isagoo arrintaasi uga warramay Sahan TV waxaanu yidhi, “Xubno ay ka mid yihiin laba xildhibaano Golaha Guurtida ah iyo Xildhibaan ka mid ah Golaha wakiillada oo anigu ah in aanu safar ugu bixi doono si aanu uga qayb galno caleema saarka Axmed Madoobe ee magaalada Kismaayo ka dhacaysa 9-ka bishan”. Xildhibaanku waxaanu intaasi ku daray, “Runtii, tani waxay ka denbaysay markii Axmed Madoobe uu si layaab leh uga soo baxay doorashadii Xallaasha aheyd ee ka dhacday Kismaayo ee dawladda Soomaaliya ee aynu jaarka nahay ay carqaladeyso Dastuurkeeda Geesinnimadii uu sameeyey iyo dadkiisa oo doortay waxaan ku hanbalyeeyey oo aan ka codsaday inuu igu casuumo caleema saarkiisa tii ayaa rummowdey oo waxa nalagu casuumay caleema saarkaasi, waxaanu ku tegaynaa ilaa lix xubnood oo ay ka mid yihiin wasiiro hore iyo dad ku jira xisbiyada mucaaridka ah, iyo Dad kale oo Reer Somaliland ah oo Annaga ayaa is abbaabulnay oo go’aankaas gaadhnay runtii xukuumaduna wax shaqo ah oo ay nagu laheyd ma jirto”.
Xidhibaanka oo la weydiiyey in shacbiga Somaliland uu ka sasaayo tegitaanka Soomaaliya waxa uu yidhi, “Annaga oo ka wakiil ah Ummadda na dooratay ee Reer Somaliland waxaan leenahay in aanay naga sasin oo aanay u arag dalkaas Soomaaliya ee aynu jaarka nahay anagu uma socono Farmaajana magaaladiisii Muqdisho ugu tegi mayno waxaanu ka leenahay dan, danta aanu ka leenahayna waa danta ay ka leeyhiin Qadar iyo Turkigu dalka Soomaaliya”. Ayuu yidhi Xildhibaan Naasir X Cali Shire