Guddoomiyaha Guurtida Oo Si Toggan Uga Dareen Celiyey Ka Qaybgalka Somaliland Ee Xaflad Siyaasadeed Oo Soomaaliya Ah

0
14

Guddoomiyaha Golaha Guurtida JSL Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa soo dhaweeyey isla markaana sheegay in aanay dhibaato ku jirin in cid Reer Somaliland ahi ka qayb gasho Xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Dalkaasi Soomaaliya ee Jubbaland.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida JSL Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay sida uu u arko in Dad Reer Somaliland ahi ay ka qayb galaan Xaflada lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland oo la filayo in maalmaha soo socda lagu qabto magaalada Kismaayo.

Haddaba, Guddoomiyaha Golaha Guurtida JSL Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shalay ka hadlay dareenkiisa ku aadan arrintaasi, iyadoo maalmihii aynu soo dhaafnay uu Xildhibaan Naasir X Cali Shire oo ka mid ah Golaha Wakiillada JSL uu sheegay in isaga iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida iyo Wasiiro hore iyo waliba Dad kale oo Reer Somaliland ahi ka qayb galayaan xafladaasi siyaasiyeed.

Guddoomiyaha Guurtidu, shalay isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi, “Xaaraan may sameyn oo wuxuun bay ka qayb galeen saw maaha Nin la caleemo saarayo, Ninkaasina (Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Dalkaasi Soomaaliya ee Jubbaland), waa Ragga inoogu dhow-dhow xagga dalkaasi Soomaaliya”. Guddoomiyaha Golaha Guurtidu waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Aniga Ninkaasi (Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Dalkaasi Soomaaliya ee Jubbaland) aflagaado iiga tegi meyso”.

Ugu dambeyntii, arrintan ayaa noqonaysa haddii hadda sida loo sheegayo ay u hirgasho markii ugu horreysay ee Xubno ka mid ah Dawladda JSL sida Guurtida, Wakiillada, Wasiiro hore iyo Xisbiyada Qaranka iyo waliba dad kale oo Shacabka Somaliland ah inay ka qayb galaan xaflad siyaasadeed oo uu sameysanayo mid ka mid Maamul Gobolleedada Dalkaasi Soomaaliya ee aynu jaarka nahay oo ah Jubbaland, wallow Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani uu shalay arrintaasi si adag uga digay Madaxweyne Muuse Biixi na uu ugu baaqay in uu hor istaago tallaabadaasi oo uu ku tilmaamay inay wax u dhimeyso Somaliland, sidaasi awgeedna Dadweynaha Somaliland qaarkood ayaa iyaguna werwer iyo wallaac ka muujiyey in cid reer Somaliland ahi ay ka qaybgasho xafladaasi, iyagoo ku tilmaamaya inay waxyeelayso sumcada Qarannimada Somaliland, maadaama oo ay Dawladda Dalkaasi Soomaaliya ay had iyo jeer sheegato in Somaliland ka mid tahay oo aanay aheyn dal gaar, waxaana xusid mudan in jiritaanka iyo Madaxbannaanida Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ay dadkeedu halgan Naf iyo Maal ba u soo hurreen oo ay haatan ku naaloonayeen muddo dhan 29sanadood oo si buuxda hawlaheeda dawladnimo uu gaar ahaa balse aanay adduunka ka helin aqoonsi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.