Dhacdo Naxdin Leh: Maydad Ku Aasnaa Xabaalaha Bariga Hargeisa Ee Naasa-Hablood Oo Lafahooda Dibedda Loo Soo Saaray Kadibna La Gubay

0
1046

Hargeisa: (Tayosame news) -Warar maalmihii u danbeeyey soo if baxayay oo ah dhacdo xanuun badan ayaa waxay sheegayaan in dabada loo soo saaray maydadkii ku aasnaa xaabalaha bariga magaalada Hargeysa ee Naaso-hablood,kuwaas oo inta xabaalihii dib loo qoday laga soo saaray lafaha maydadkii ku aasnaa xabaalahaasi.

Waxaana lafaha maydadkan dibada loo soo saaray qaar kood ay ahaayeen kuwo la gubay,intaasi ka dibna lagu aasay ciid yar oo dul saran xabaalaha,waxaana lafahan soo arkay isla markaana xaqiijiyay dad shalay soo arkay oo xabaalaha Naasa Hablood kusoo aasayay marxuun geeriyooday Allah ha naxariiste.

Dhacdadan naxdina badan ayaa la sheegay inay laga filayo in ay arrinkan ku talaabsadeen raga Xabaalo Qodka ah ee ka shaqaysta qodista xabaalaha isla markaana iibiya,waxaana la sheegay in xabaalahan laga soo saaray maydadka ay hadaba dib uga iibinayaan marxuumiinta kale ee geeriyooda,laguna aasayo xabaalahan.

Hore ayay dhacdadan oo kale uga dhacday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Xukuumadda Somaliland ayaan arrinkan war ka ahayn,iyada oo dhacdadani ay tahay mid ugub ah,waxaana isha lagu wada hayaa talaabada ay xukuumadu ka qaado arrinkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.