Waa Sidee Xaalada Magaaloyinka Hargeisa Iyo Burco Kadib Rabshadihi Xalay?

0
81

Hargeisa (Tayosame news) -Xaaladda magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa hadda mid dagan oo xasiloon,waxaana amaanka magaalooyinkaasi wakhti xaadirkan gacanta ku haya ciidamada Booliska Somaliland.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa saaka ay xaaladeedu tahay mid dagan kadib markii xalay ay ka dhaceen rabashado ay dhigayeen dhalinyarada Burco,taas oo ay kaga soo horjeedeen musuq la sheegay inuu ka dhacday doorashadii madaxtooyada somaliland ee dalka ka dhacday 13-kii November.

Amaanka magaalada Burco ayaa hadda waxa gacanta ku haya ciidamada Amaanka,waxaana rabashadahaasi xalay dhacay ay sababeen dhimasho iyo dhaawac iyo waliba khasaare hantiyeed oo tiro badan.

Dhinaca kale wadooyinka magaalada Burco ayaa wararka hadda nasoo gaadhayaa ay sheegayaan in ciidamo lagu soo daadiyay sugaya amaanka,xaaladda magaaladuna hadda way dagan tahay.

Dhinaca kalena magaalada Hargeysa oo dhinac bari ay xalay ka dhaceen rabashado la mid ah kuwii Burco ka dhacay ayaa iyaduna xaaladeedu hadda ay tahay mid dagan oo xasiloon.

Dhalinyaradan gadoodsan ayaa si adag uga soo horjeeda musuq maasuq iyo cod ku shubasho ay saraakiisha xisbiga WADDANI sheegeen inay ka dhacday doorashadii madaxtooyada Somaliland ee dalka ka dhacday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.