Musharaxa Xisbiga Wadani Oo Cadeeyey Inay La Shaqayn Doonaan Komishanka Qaranka + Gudoomiyaha Komishanka Oo Isna Dhankiisa Ka War Bixiyey Eedayntii Loo Soo Jeediyey

0
341

Hargeisa (Tayosame news) -Guddiga doorashooyinka jamhuuriyada Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay cabashadii kasoo yeedhay Mas’uuliyiinta xisbiga Wadani.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Musharraxa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa Magaalado madaxda Hargeysa warbaahinta ugu sheegay in la xaliyey Khilaafkii soo gala dhexgalay.

Cabdiqaadir Iimaan Warsame waxaa uu tilmaamay  in waraaqaha xisbiga Waddani ay heleen ay lahaayeen guddida doorashooyinka Somaliland isla markaana aanay ahayn kuwo been-abuur ah oo lagu codeeyay.

Gudoomiyaha ayaa ugu dambeyntii xusay in khilaaf kaste oo yimaada ay xalin doonaan.

Musharaxa Xisbiga Wadani ayaa dhankiisa ayaa sheegay in uu ku qancay guddiga doorashooyinka,islamarkaana ay la shaqeyn doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.