Kulanka Maanta Ee Guddiga Iyo Saddexda Murrashax Ee Somaliland + Shacabka Somaliland Oo Si Dareen Leh Uga Dhur Sugaya Natiijada Doorashada Madaxtooyada

0
1109

Hargeisa (Tayosame news) -Shacabka Somaliland ayaa waxay aad ugu dhag taagayaan ku dhawaaqista ay guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland ku dhawaaqaan natiijada doorashadii madaxtooyada Somaliland ee Maalinkii Isniinta bishuna ay ahayd 13 November ka dhacday guud ahaanba Somaliland.

Xogo ay helayso shabakada Wararka Ramaasnews kana helayso ilo wareedyo u dhuun daloola guddiga Komishanka Qaranka ayaa waxay sheegayaan in guddiga komishanku ay dhameeyeen tirinta codadka gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland,marka laga reebo tirinta codadka gobolka Maroodi-jeex oo wali socda isla maantana la filayo in lasoo dhameeyo tirintooda,waxaana ay xogahani noo iftiimiyeen in kulankii ugu danbeeyey ay maanta wada qaadanayaan guddiga komishanka Qaranka Somaliland iyo murrashaxiinta saddexda xisbi Qaran ee ku tartamayay hanashada hogaanka talada dalka Somaliland isla markaana ay kaga wada hadlayaan halka ay hawluhu marayaan.

Guddiga komishanka Qaranka Somaliland ayaa waxa xoguhu noo tibaaxeen in hordhaca natiijada doorashada la filayo in guddiga doorashooyinku ay ku dhawaaqaan maalinka Salaasada galinkeeda danbe oo ku eeg wakhtigii ay xaqqa u lahaayeen inay haystaan guddigu ku dhawaaqista natiijada doorashada,waxaana ay guddigu u gudbinayaan maxkamadda sare taas oo iyadu sharci u leh inay ku dhawaaqdo natiijada kama danbaysta ah ee doorashada.

Subaxii xilli hore ayay bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa ay kasoo ag dhawaadaan xarunta gudiga komishanka iyaga oo ka war sugaya inay guddigu ku dhawaaqaan natiijada doorashada madaxtooyada Somaliland,waxaana ay aad shacabku ugu dhag taagayaan ku dhawaaqista natiijada doorashada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.