Hargeisa (Tayosame news) -Gudidda doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada tartankii madaxwayne nimo ee kursiga ugu sareeya dalka.
Gudoomiyaha Gudidda Doorashooyinka Somaliland cabdiqaadir ahmed iimaan oo ka hadlal xafladii ay kaga dhawaaqeen natiijada doorashada ayaa bulshoweynta somaliland gaar ahaan taageerayaasha xisbiga ugu baaqay in aanay samayn wax dabaaldeg ah oo wax udhimi kara Nabada.
Komishanka doorshooyinka qaranka ayaa cadeeyey inay Xilka madaxweynenimo iyo ku xigeenkiisa ay ku guulaysteen musharaxiinta xisbiga Kulmiye ee Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi iyo Ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan ismaaciil saylici, in kasta oo madashii laga dhawaaqyey aanay ku sugnayn labada xisbi ee kale.
Xisbiga Ucid wuxuu helay 23,141 Cod oo u dhiganta 4.17%
Xisbiga Waddani wuxuu helay 226 ,092 Cod oo u dhiganta 40.73%
Xisbiga Kulmiye wuxuu helay 305,909 Cod oo u dhiganta 55.19% dadka codeeyay
wixi warar ah ee sobaxa si toos ah uga daawo shabakada wararka ee tayosamenews.com