Ruushka (Tayosame news) -Dowladda Ruushka ayaa beenisay in uu dhacay wax shil ah oo la xidhiidha qarax hubkeeda NNukliyeerka ah , balse hawada ayaa laga heley xad badan oo sunta wasaqaysan ah.
Mac-hadka badbaadaha Nukliyeerka ee Faransiiska ayaa shaaciyay in ay hawada Yurub ka helen maadada afka qalaad lagu yiraahdo ruthenium oo xad dhan 1,000 jeer ka saraysa heerka caadiga ah. Waxayna warbixinta mac-hadka intaasi ku daraysaa in tan ay ugu wacantahay shil nuyuukleer ah oo ka dhacay Ruushka ama dalka Kazakhstan
Wakaalada saadaasha hawada Ruushka ayaase qirtay in ay hawada wasaqaysantahay.
Wakaaladda waxa ay sheegtay in xarumo ay ku leedahay goboladaas dalkaas qaarkood ay hawada cabbireen, kana heleen xad aad u sareeya oo ah maadama Ruthenium oo caadi ahaan aanan iska abuurmin iyada oo aysan wax dhicin.
Ruushka ayaa waxa uu ka midyahay awooddaha hubka Nuyuukleerka ee adduunka.