Sababihii Kelifay Dilkii Xildhibaan Madoobe Iyo Abuukaate Oo Ka Hadlay Arintaasi + Sawiro

0
67

Muqdisho (Tayosame news) -Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa ka hadlay dil ilaaladiisa ay u geysteen mid kamid ahaa Xildhibaanada baarlamanka Maamulka Galmudug oo maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Abuukaate ayaa sheegay in dilkaas uu dhacay kadib markii gaadhiga  Xildhibaanka uu watay uu kusoo dhawaaday gaadhigiisa islamarkaana ay ka shakiyeen ilaaladisa taasina ay keentay dilka loo geystay xildhibaanka ka tirsanaa baarlamanka Galmudug oo lagu magacaabi jirey Maxamed Cabdi Guuleed(Madoobe).

“Gaariga inta uu igu dhicin ka hor ayey askarta la hadleen marxuumka, si ay u istaajiyaan isagana waa uu diiday, bastooladd uu watay ayuu nagu soo riday, kadib ilaaladeyda ayaa rasaas ugu jawaabay” ayuu intaasi raaciyay.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo kamid ah baarlamanka Soomaliya  ayaa sheegay in askariga xabadda ku riday xildhibaanka iyo qorigiisa in la geeyay xarunta dambi baarita ee CID-da si baaritaano loogu sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.