13 Qodob Oo Kamid Ah Arrimaha Culculus Ee Horyaala Madaxweynaha Cusub Ee Jam.Somaliland Mudane Muuse Biixi

0
514

Hargeisa (Tayosame news) -Madaxweynaha Cusub ee la doortay ee xukuumadda xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE waxa hor yaalla arrimo aad u calculus oo u baahan in degdeg wax looga qabto wakhti dalku ku sugan yahay xaalad adag iyo duruufo gaar ah oo saamayn taban oo weyn ku leh nolosha Mujtamaca reer Somaliland. Inkasta oo xisbiga KULMIYE tartanka ku galay barnaamij siyaasadeed oo ka koobnaa 7 tiir oo waaweyn oo dhinacyo badan taabanaya haddana dadka u kuur gala siyaasadda Somaliland waxa ay sheegayaan in arrimaha ugu waaweyn ee hor yaalla Madaxweynaha cusubi in uu wax ka qabtaa in ay yihiin kuwo aad iyo aad u tiro badan.
Qormadan kooban waxa aan ku eegi doonaa 13 Qodob oo ka mid ah meelaha ugu daran ee sugaya in Madaxweynaha cusubi wax ka qabto kuwaasi oo in badan oo ka mid ah lagu tilmaamo kuwo dalka gayaysiin kara dhibaato culus haddii aanay xukuumadda soo socotaa waxba ka qaban waxaana qodobadaasi ka mid ah:
1. Sicir Bararka xadhkaha goostay iyo dhaqaale xumada dalka ku habsatay ee sida ba’an u waxyeelaysay aqlabiyadda shacabka
2. Qiimo Dhaca Shilinka Somaliland oo isna saamayn weyn ku leh qodobkaasi koowaad ee dhaqaale xumada wakhti qiimo dhaca lacagta Somaliland heerkii ugu xumaa gaadhay sannadkan ugu dambeeyey.
3. Abaaraha soo noqnoqda iyo qorshe xumada xukuumadda ee ku aaddan la tacaalidda xaaladaha is baddalka cimilada adduunku keeno.
4. Caafimaadka oo xaqiiqo ahaan wali hooseeya iyada oo shacabka reer Somaliland maanta inta wax haysata oo kali ahi ay heli karaan adeeg caafimaad oo qaali ah balse aqlabiyadda shacabka oo danyar ahi aanay haysan adeeg caafimaad.
5. Shaqo la’aanta baahsan ee xoogga dalka (Dhallinyarada) curyaamisay ee keentay in kumannaan kun oo dhallinyaro ahi sannad walba dalka ka tahriibaan.
6. Biyo La’aanta guud ahaan dalka, gaar ahaan Magaalooyinka waaweyn qaarkood sida Caasimadda Hargeysa oo aanay dadka ku nooli biyo helin walina aanu guulaysan mashruucii biyo ballaadhinta caasimaddu.
7. Kala qaybsanaanta Bulshada uu kaga tagay tartankii riiqda dheeraa ee doorashada Madaxtooyadu, wakhti lala yaabban yahay in kala qaybsanaantaasi iyo qoqobka qabyaaladdu gaadhay heerkii ugu xumaa tan iyo kadib dagaaladii sokeeye ee horraantii sagaashameeyihii. Waxa xusid mudan in kala qaybsanaanta qabaa’ilku xataa gaadhay deegaamo hore u midaysnaan jiray arrimo isaga oo saameeyey dhammaanba Gobolada Somaliland oo aanu qabaa’ilada qaar ku koobnayn sida dad badani moodayaan.
8. In uu wax ka qabto qaabka Mashaariicsaysan ee dadka qaar uga hodmeen hantida iyo mashaariicda qaranka kaasi oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku caano maashay mudadii ay xilka haysay iyada oo hannaanka mashaariicda dawladda loo bixiyo mugdi badan iyo musuqmaasuq baahsani ku gedaannaan jiray si gaar ahna loogu naas nuujin jiray dad gaar ah oo siyaalo kala duwan ugu xidhnaan jiray Madaxtooyada iyo masuuliyiinta kale ee qaranka.
9. Boobka Hantida qaranka Min Baloodh bannaan oo dawladdu leedahay, Guryaha Dawladda illaa Mashaariicda ugu waaweyn ee qaranka oo lagu soo celiyo sifo dawladnimo oo xalliibnaan iyo Bannaan-yaalnimo ah (Transparancy)
10. Xidhiidhadii Caalamiga ahaa ee Somaliland la lahayd beesha caalamka iyo gaar ahaan xidhiidhkii diblomaasiyadeed oo sannadihii ugu dambeeyey si weyn u laciifay oo u baahan dardar gelin iyo soo celinta ugu yaraan saaxiibadii hore iyo abuuridda saaxiibo badan oo kale.
11. Adeegga Xarumaha Dawladdu u fidiyaan shacabka oo wali aad u hooseeya (Public Service) iyada oo aanay wali is baddal dawladnimo ka muuqan xarumaha dawladdeena oo adeegga ay bulshada u hayaan wali aad u hooseeyo taasi oo u baahan in wax ka baddal badan lagu sameeyo. Inkasta oo dawladda Madaxweyne Siilaanyo xarumo badan oo dawladeed dhismayaal casri ah u dhistay haddana wali ma uu dhismin nidaamkeenna shaqo iyo adeeg bixineed ee xarumaha dawladdu.
12. Kaabayaasha dhaqaale ee dalka oo liita ama aad u hooseeya. Si kasta oo gaar ahaan waddooyinka wax badan looga qabtay haddana mar kasta burbur iyo dayac badan ayaa ka muuqda waddooyinka dalka gaar ahaan magaalooyinka waaweyn sida Hargeysa.
13. Jihaynta Dhallinyarada Bilaa Camalka ah iyada oo ay si weyn u soo kordhayso waxyeelooyinka ay Dhallinyaradu gaystaan kadib markii xaalad rajo beel ahi ku dhacday dhallinyarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.