Dowladda Japan Oo Su,aalo La Boobtay Rag Kasoo Caariday Badda Dalkaasi Kana Yimid Kuuriyarda Waqooyi

0
289

Japan (Tayosame news) -Boosliiska dalka Japan ayaa su’aalo weeydiinaya 8 nin oo sheegay in ay ka yimadeen dalka Kuuriyada Waqooyi kuwaas oo soo gaadhay dekad ku taala Waqooyi Bari dalkaas.

Ciidanka ayaa waxa ay sheegeen in raggan ay la socdeen dooni timid magaalada Yurihonjo, kadibna xabsiga loo taxaabay.

Raggan ayaa booliiska u sheegay in ay ahaayeen kalluumeysato doontooda kusoo caariday Japan.

Japan ayaa si joogto ah u aragta doomaha kalluumeysiga Kuuriyada Waqooyi, iyada oo ciidamada marar badan badbaadiyeen kuwa baddu ku caariday.

Mararka qaarkoodna waxaa la sheegay in doomaha dushooda laga helo maydad, taas oo ka dhigan in doonta ay iska sabaynaysay muddo dheer.

Sawirro ay faafisay saxaafadda Japan ayaa muujinaya in doonta uu ku xidhanyahay nal, kaas oo inta badan kalluumaysata u isticmaalaan in ay kalluunka kusoo jiitaan habeenkii.

Lama oga in ay Japan sii joogi doonaan ama ay ku laaban doonaan Kuuriyada Waqooyi.

Dadka doomaha kaga soo baxsada Kuuriyada Waqooyi ee yimaada Japan ayaa ah wax iska caadi ah, sababtuna waa masaafada u dhaxaysa labada dal oo ah mid gaaban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.