Wasiirka dhalinyarada Somaliland”Waqtigan looma baahna Wadahadalo dhexmara somalia iyo Somaliland”

0
278

Hargeisa (Tayosame news) -Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland oo la hadlay saxaafada  ayaa waxa uu sheegay in wakhtigan aan loo baahnayn wada hadalo dhex mara Somaliya iyo Somaliland, balse loo baahan yahay Somaliya inay shaaciso in somaliland ay tahay dal madax banaan.

Waxaa uuna tilmaamay in soomaaliya ay aqoonsato Soomaliland,isagoona xusay si bilaa shuruud la’aan ah,inay dowlada ugu dhawaaqdo in somaliland ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Wasiirka ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu u Hambalyeynayay Madaxweynaha cusub ee  Jamhuuriyadda Somaliland

Hasayeeshee dadweynaha jamhuuriyadda  Somaliland ayaaraba in wada hadalka labada dhinac uu noqdo laba dowladood oo siman oo deris ah,inkastoo Soomaaliya ay weli taagan tahay in soomaaliland ay ka mid tahay Soomaaliya inteeda kale.

Dhawaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa sheegay inuu dib soo celin doono wadahadaladii u dhexeeya Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland,isagoo u hambalyeynayay Madaxweynaha Cusub ee la doortay Muuse Biixi Cabdi,balse waxaan ogeyn dhankiisa go’aanka uu qaadan doono madaxweyne  muuse biixi,kaasi oo ku aadan wadahadalada soomaaliya iyo Soomaaliland.

Hayeeshee Siyaasiyiinta wadanka Soomaaliland ayaa dhowr jeer ugu baaqay in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliland muuse biixi inuu dib u bilaabo wadahadaladii u socday Dowlada Federaalka soomaaliya iyo jamhuuriyadda Soomaaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.