Hargaysa (HP): Madaxweynaha Somaliland ayaa xeer madaxweyne ku dhaqan geliyay wakhtiga loo cayimay in ay dalka ka qabsoomaan doorashooyinka isku-sidkan ee goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.
Doorashooyinkaasi oo ay hore komishanka doorashooyinku ugu asteeyeen in ay qabsoomaan maalin Isniin ah oo ku beegan 31ka bisha May ee 2021-ka.
Sida lagu sheegay war kooban oo maanta ka soo baxay xafiiska madaxtooyadda Somaliland.
Soo jeedintaasi hore ee guddiga doorashooyinka ay shalay ku raaceen golaha Guurtidda Somaliland oo todobaadkii hore loo gudbiyay.
Dhaqan gelintan maanta madaxweyne Biixi, ayaa noqonaysa halkii ugu danbaysay ee sharcinimadda qabsoomidda doorashooyinka.
Dhaqanka gelinta madaxweyne Biixi waxay u dhignayd sidan:
“Xeer Madaxweyne Lr. 12/022021
Cayimaadda Muddada Doorashooyinka
Markaan Arkay: Qodobka 42aad, Faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 6aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020;
Markaan Arkay: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/002/2021, kuna taariikhaysan 16/01/2021, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Doorashada Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee 2021;
Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Guurtida ee summaddiisu tahay Ref: GG/JSL/KC/G-01/02/2021, kuna taariikhaysan 02/02/2021, ujeeddadiisuna tahay Go’aanka Dib-u-eegista Muddo Xileedka Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;
Waxaan Go’aamiyey;
In Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanku ay ka dhacaan Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Isniinta ah ee ku beegan 31ka Bisha May 2021.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.