Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa maanta kormeer ku soo maray qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay wasaaradda warfaafintu.
Waxaana wasiirka kormeerkiisa ku wehelinayey agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Maxamed Yuusuf Ismaaciil, qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda warfaafinta.
Wasiirka iyo agaasimaha guud intii ay ku gudo jireen kormeerkooda waxay soo kormeereen dhammaan waaxyaha iyo qaybaha ay ka kooban tahay wasaaraddu.
Iyaga oo warbixino ka dhageystay agaasime waaxeedyada iyo madax qaybeedyada wasaaradda, oo warbixin ka siiyey waajibaadka ay bulshada iyo qaranka u hayaan.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.